Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo ku Dhawaaqday inay lacag Samaysanayso Xili Dowlada Soomaaliya Lacagta Masuul...

Puntland oo ku Dhawaaqday inay lacag Samaysanayso Xili Dowlada Soomaaliya Lacagta Masuul ka Tahay

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in haddii ay DFS ku guuldareysato sameynta lacag heshiis lagu yahay, oo raacsan dhammaan nidaamka dawladnimada Faderaaliga ah, ay Puntland ku qasban tahay in ay sameysato lacag ay u madax banaan tahay, ilaa sannadka 2025-ka.

2004tii, Puntland ayaa soo jeedisaha nidaam faderaal ah oo Soomaalida isku heyn kara, balse Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhawaan sheegay in aan loo baahneyn dastuur heshiis lagu yahay, markii ay mucaaradka ku eedeeyeen in Habraacyada loo maray wax ka bedelka dastuurka aysan sax aheyn, Puntland ayaana joojisay la shaqeynta Hay’adda dawladda faderaalka.

Bilo kahor, Siciid Deni ayaa sheegay in Villa Somalia aysan Itoobiya u maageyn arrimo qaran iyo difaac ee ay tahay Dano dhaqaale, taas oo ugu dambeyn soo muuqatay markii MW Xassan Sheekh heshiis kula saxiixday Ankara, iyadoo aysan Itoobiyaanku damacoodii Bad-raadiskahaa ka laaban, loona ogolaaday in Badda Soomaaliya albaab ka helaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Jubaland oo Tagaaya Gobalka Gedo
Next articleMasjid lagu Muransanaa Mudo 8 Sano ah oo Heshiis laga gaaray Magaalada Muqdisho