Home Wararka Maanta Puntland oo ka Hadashay Duqayntii Maraykanka Iyo Dowlada Soomaliya ka Fuliyeen Buuraha...

Puntland oo ka Hadashay Duqayntii Maraykanka Iyo Dowlada Soomaliya ka Fuliyeen Buuraha Puntland

0

Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallo amni oo ka socda gobolka Bari iyo duqeymihii u dambeeyay ee maamulkaasi ka dhacay.

Tayaha Booliska Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa shaaciyay in howl-galladii u dambeeyay ay ciidanka Puntland kusoo qabteen illaa 23 qof oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish.

Shaqsiyaadkan oo weli baaris ku socoto ayaa waxay ciidanka kasoo qabteen deegaano dhaca gobolka Bari, sida uu sheegay Sarreeye Gaas Muumin Cabdi Shire.

Taliye Muumin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan ay hadda baaris ku socoto dad gaaraya illaa 98 qof oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ku xiran xabsiyada mamulka oo dhan.

Taliyaha ayaa waxa kale oo uu ka hadlay duqeymihii u dambeeyay ee ka dhacay maamulkaasi, isaggoo sheegay in duqeyntii u dambeysay ee 31-kii bishii dhamaatay laga fuliyay buuraleyda gobolka Bari khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay argagixisada.

“Duqeyntii dhacday 31-kii May waxaa lagu beegsaday ururka Daacish, waxaana ku dhintay 11 xubnood, halka ay ku dhaawacmeen xubnood kale oo gaaraya illaa 7,” ayuu yiri Taliyaha. Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay Mareykanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duqeyntii dhacday 26 May aysan wax khasaare ah u geysan kooxaha argagixisada ah, taasi oo horey u dafiray maamulka jiritaankeeda.

Duqeynta Mareykanka ayaa imaneysa xilli toddobadkii hore ay dowladda federaalka Soomaaliya sheegatay duqeymo ka dhacay buuraha Calmadow, balse Puntland ay beenisay jiritaanka weerarkaasi ay masuuliyadeeda sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Beenintaas ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxaha Khawaarijta ah iyo 20 maleeshiyaad ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMaxkamadda sare ee Islamabad oo laashay xukun lagu riday Imran Khan
Next articleCiidamadii Ugu Badnaa oo Beeshaan u Dirtay Furimaha Dagaalka