Home Wararka Maanta Puntland oo Jawaab Ka Bixisay eedii Ugu Timid Qaramada Midoobay

Puntland oo Jawaab Ka Bixisay eedii Ugu Timid Qaramada Midoobay

0

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa si adag uga jawaabay eedeyntii uga timid Hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNICEF.

Warbixin ay dhowaan shaacisay hay’adda ayaa waxaa looga hadlay toogasho ay Puntland ku fulisay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, taas oo ka dhacday waqooyiga Gaalkacyo, waxaana UNICEF ay sheegtay in ragga la toogtay ay ku jireen carruur aan weli qaan gaarin.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku gacan seyray eedeyntaasi, wuxuuna sheegay in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen  qaan-gaar, isla markaana lagu helay dambiyo argagixiso oo ay gaysteen Puntland, sida weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kahor inta aan la toogan raggaasi la marsiiyay baaritaano, isla-markaana la xaqiijiyay in dhamaantood ay ka weyn yihiin qaan-gaaro.

“Dadweynaha waxaa loo xaqiijin karaa in midkoodna kuwa la toogtay aysan da’doodu ka yareyn 30 sano. Da’dooda iyo aqoonsigooda si taxadar leh ayaa loo xaqiijiyay si loo hubiyo inay qaangaar yihiin, waxayna si iskood ah u qirteen dambiyadooda,” ayuu yiri Dirir.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiaqay in dilkooda loo maray habab sharci ah oo ay ku jiraan baaritaano rasmi ah iyo tijaabooyin badan, sidoo kale shaqsiyaadka la xukumay  la siiyay muddo 3-sano ah si ay racfaan uga qaataan xukunka lagu riday.

10-ka xubnood ayaa toogashadooda waxa ay dhacday 17-kii bishan August, waxaana ay kala ahaayeen:-

1. Xukmane Xasan Jaamac Maxamed 2. Xukmane Liibaan Aadan Muuse 3. Xukmane Barkhad Cawil Xirsi 4. Xasan Muuse Axmed 5. Xukmane Cabdiqaaliq Warsame Barre 6. Xukmane Cadde Cabdullaahi Maxamed 7. Xukmane Maxamed Cabdisalaan Axmed 8. Xukmane Cabdiraxmaan Faysal Salaad 9. Xukmane Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi iyo 10. Xukmane Cabdisalaan Sahal Shucayb.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaraykanka iyo Israil oo Weerar Ba’an ku Qaaday Lubnaan
Next articleSoomaaliland oo Ka Hadashay Amarkii Dowlada Siomaaliya Kusoo Rogtay Xawaaladaha