Home Wararka Maanta Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan shirka ka socda Villa Somalia

Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan shirka ka socda Villa Somalia

0

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka maqan tahay Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda.

Wasiirka ayaa ugu horreyntii weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inay wado gacan bidixeyn.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shirka haatan ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in waxba aysan kasoo bixi doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii uu Xasan xilka kusoo noqday waxaaa iska socday talada gacan bidixda ah oo aan waxba kasoo baxayn, odayaal sheekeystay waayey” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ay doonayaan in marka hore la qabto wada-hadallo dhab ah oo lagu dhammeynayo khilaafaadka jira, si looga gudbo xaaladda adag ee taagan.

“Annagu waxaan taaganahay si caafimaad qabta haloo hadlo, wadaadada xagaas joogana waxay rabaan wax lala cararayo oo dadka kale aan loo ogoleyn” ayuu yiri.

Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan quseyn dhammaan qodobada kasoo baxa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, maadaama ay iyagu ka maqan yihiin.

“Waxa kasoo baxa shirkaas nama quseeyo ninkii wacday ayay u taallaa annaga wax shaqo ah kuma lihin” ayuu kusii daray wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan dooneynaa dowlad Soomaaliyeed oo taaba qaada oo federaal ah, loona siman yahay”.

Puntland ayaa si weyn uga hortimid wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo ay horay ugu dhaqaaqday Villa Soomaaliya, ayna ansixiyeen xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo lagu Wareejiyay Gaadiid Dagaal oo Alshabaab lagula Dagalamaayo(Sawiro)
Next articleXujeydii ugu horreysay sanadkan ee ka tagta Soomaaliya oo gaartay dalka Sucuudiga