Home Wararka Maanta Puntland Lacag tii Ugu badnayd ee ay ka heleen Kooxda Daacish

Puntland Lacag tii Ugu badnayd ee ay ka heleen Kooxda Daacish

0

Ciidamada ammaanka ee Puntland ee weli howlgallada kasii wada gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraleyda Calmiskaad ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen lacag tiro badan oo ay lahayd Daacishta ay dagaalka adag kula jiraan.

Saraakiil sar sare oo u hadashay ciidamada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen teleefoonno lacago badan ay ku heysatay kooxda Daacish, kadib markii laga qabsaday saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland.

Lacagaha soo galay gacanta Puntland ayaa laga helay teleefannada xubno laga dilay kooxda, oyada oo markii la baaray laga helay Simikaaro ay ku jiraan lacago badan.

Mid kamid ah Simikaarada ayaa waxaa ku jirta lacag gaareysa illaa 180 kun oo doollar, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, balse saraakiisha ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku aadan halka ay lacagtaas kasoo gashay, qofka sida gaarka ah u maamulayay iyo su’aalaha kale ee haatan la’si weydiinayo.

Howlgallada oo weli sii socda ayaa jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Daacish, waxaana looga dilay xubno badan, iyada oo laga qabsaday saldhigyo ku yaalla gobolka Bari.

Puntland ayaa bishii December ku dhawaaqday dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Daacish, waxaana ay sheegtay in tan iyo xilligaas ay dishay maleeshiyaad ka badan 100, kuwaas oo u badan ajaanib.

Garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah shabakadda caalamiga ah ee Daacish, waxaana bishan horraanteedii bartilmaameed u ahayd duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Iyadoo lagu qiyaasayo tiradooda inay u dhexeyso 700 ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay kobcay sababo la xiriira kusoo biirista dagaalyahanno ajnabi ah iyo kororka dakhliga dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkan ayaa weli aad uga yar kooxda Al-Shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ballaaran oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleAlshabaab Damacsanaa inay Xarardheere Weeraraan oo Dagaal Culus lagu qaaday
Next articleWar cusub oo kasoo kordhay duqeyntii Mareykanku dhowaan la beegsaday Daacishta Soomaaliya