Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.
“Deni intuu noo yimid nama dhihin waxan ayaa qaba, waan sugeynaa intuu noo imaado inuu nadhaho waxan iyo waxan waan ayaa raba iyo waxan ayaa ka gows qabsanayaa isaga ayaa sugaynaa inuu noola yimaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo wareysi gaar ah siiyay VOA.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay marwalba diyaar u yihiin wada-hadal lagu xalinayo tabashada uu qabo hoggaanka maamulka, “annaga ayaa bilaabeyna wada-hadal lagu xalinayo tabashada jirta.”
Waxa kale oo uu xusay inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mugdi ah ee labada dhinac ka dhexjira, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray meel sare, uuna madaxweynaha Puntland kasoo qeyb-gelin shirarka Madasha Wadatashiga Qaran.
“Wax kasta oo anagu gacanta ku hayno waa u furan yihiin dowladda Puntland, diyaar ayaa u nahay in aan tagno oo xalino wixii ĺa qabo. Waxaa rajeynaynaa in walaalahayaga, gaar ahaan madaxweynaha (Saciid Deni) isfahano.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilliga ugu munaasabsan ee lala fariisan karo hoggaanka Puntland ay tahay marka ay dhamaadan doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka ee maamulkaas oo hoggaankooda uu ku mashquulsan yahay.