Home Wararka Maanta P.M Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal...

P.M Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal kusoo biiraya

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee AMISOM loo beddelay ATMIS.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aaddan nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika ayaa halkii sano ee lasoo dhaafay ku howlgelayey magaca ATMIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumar laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo dalka ka mid ah.

Wuxuu sheegay in magaalooyinkaas ay hadda xor ka yihiin kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dowladdu ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

R/Wasaaraha ayaa sheegay xukuumadiisu ay dagaalka Argagixisada ku wajahday dagaal saddex jiho ah oo muhiim ah, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay horseedeen jab-xoog leh oo gaaray kooxda.

Wuxuu intaas sii raaciyay in waddamada dariska la ah Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.
Ad
Previous articleXamse Yuusuf Maxamed oo Sixir Hanti Badan uga Dhacay Dad ku nool Hargaysa oo lasoo Qabtay iyo Waxyaabo Yaableh oo uu isticmaali jiray(Sawiro)
Next articleBurcad dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)