Home Wararka Maanta P.M Xamse Cabdi Barre oo Si Wayn loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho Xili...

P.M Xamse Cabdi Barre oo Si Wayn loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho Xili Mooshin ka Yaalo(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Haraadiga Khawaarijta firxadka ah, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.

Ad
Previous articleWararkiii ugu Danbeeyey Cali Jayte oo Mareykanka kala hadlay wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab
Next articleNin ku dhalay 550 caruur ah shahwad ku deeqis oo Ammar adag la siiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here