Home Wararka Maanta P.M Xamse Cabdi Bare ooo kulankisii Ugu Horeeyey la Qaatay James Swan

P.M Xamse Cabdi Bare ooo kulankisii Ugu Horeeyey la Qaatay James Swan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo ay kawada hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo
dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ergayga ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey,isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Gacanta Kusoo dhigay Fardowso Cabdi Xuseen oo Xasan shiikh u Hanjabtay
Next articleXasan Shiikh oo kulan La Qaatay James Swan Xili Xasan iyo Deni oo Uu kala Dab qadaayo