Home Wararka Maanta P.M Rooble oo War kaso Saaray Dabkii Ka Kacay isgooyska Banaadir

P.M Rooble oo War kaso Saaray Dabkii Ka Kacay isgooyska Banaadir

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu murugada iyo xanuunka la qeybsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burbur dabkii ka kacay isgoyska Banaadir iyo nawaaxigiisa, wuxuuna Alle uga baryay baddel khayr leh.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee uu hantidoodii burburiyay dabkii caawa ka kacay isgoyska Banaadir. Waxaan Alle uga baryayaa baddel khayr leh” ayuu yiri Rooble oo qoraal soo dhigay baraha bulshada

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la wadaagay tiiraanyada iyo walaaciisa ku aaddan qasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-celliyay ciidanka dab-damiska iyo kooxda gurmadka deg-degga ah kuwaasoo la tacaalaya dabka ka kacay suuqa Banaadir, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dadka walaalahood ah ee ku hanti beelay dablaan la garab istaago.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleKhasaaro Xoogan oo Ka Dhashay Dabkii Xalay Baabiiyay Suuqa Isgoyska Banaadir(Sawiro)
Next articleMaamulka Gobalka Gedo oo Ka Hor yimid Go,aan Ciidamada Dowlada Looga Soo Saaraayo Gobalkaas