Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Dardaaran Cajiib ah Madaxweyne Xasan Shiikh

P.M Rooble oo Dardaaran Cajiib ah Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo wareysi xasaasi ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda dalka, doorashooyinkii soo dhammaaday iyo dhismaha dowladda cusub.

Rooble ayaa sheegay in waqti adag, kadib uu ku guuleystay inuu qabto doorasho wadar ogol ah, isla-markaana uu kasoo maray marxalado kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa farriin la xiriirta dhismaha dowladda cusub u diray Madaxweynaha mar labaad loo doortay Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda xilka la wareegi doono.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan inuu dalka ka ilaaliyo Milkiile, isla-markaana uu isagu qaato go’aannada iyo tallaabooyinka la qaadayo.

“Waxaan kula talinayaa oo kale oo shacabka ay hadda jecel yihiin inaan Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyo waxay tahay Milkiile ka ilaali dalkan,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Adaa mas’uul ka ah waa ku sheegayaa mar koowaad, mar labaad, mar saddexaad Miilkiile dalkaan iskama lahan nin ku keensaday ma jiro Soomaali adiga ayey ku dooratay,”.

Rooble ayaa sidoo kale xusay in Miilkiile uu yahay waxa burburiyey dalkan, ayna tahay in laga gudbo, mas’uuliyaddana laga rabo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

“Walaalow Xasanow waddooyinkii ay Soomaaliya ku duntay waxaa ka mid ah Milikiile go’aanka adiga qaado iyo ra’iisul wasaarahaaga iyo inta mas’uuliyadda markaas kula heyso cid kale haku aaminin,” ayuu markale wareysigan ku yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo la Kulmay Safiirada Sacuudiga Iyo Qatar
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Aadan Madoobe(Sawiro)