Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyey shirka golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinkii soo dhamaaday.
Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.
Rooble oo ka hadlay shirka ayaa markale u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u duceyso.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo war lama filaan kasoo saaray wada-shaqeyntoodii.
“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaan rabaa inaan isna halkan uga mahadceliyo sidii sharafta laheyd ee uu dalkan kusoo hoggaamiyey iyo sidii sharafta laheyd ee xil wareejinta iyo qori isku dhiibka u sameeyey,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay wada-shaqeyn wanaagsan soo dhex-martay, ayna kaliya ku kala aragti duwanaayeen arrimaha doorashooyinkii soo dhammaaday.
“Waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa wada shaqeyn fiican iyo walaaltinimo waa nasoo dhex-martay bani’aadam ayaa la yahoo ilka iyo carab ayaa dad isugu dhow way is qaniinaan, waana sheegayoo Madaxweynaha aad ayaan iskula shaqeynay, laakiin dhibka Soomaaliya heesta waa sheegay miilkiilaha sow maahin?” ayuu markale yiri Ra’iisu waasaruhu.
Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in wixii dhacay laga soo gudbay, isla-markaana uusan waxba u qabin Madaxweynihii hore ee dalka.
“Inaan u mahadceliyo ayaan rabaa si ufishal ahna inaan u dhoho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wixii dhacay Cafa Laahu Camaa Salafa, waan wada shaqeynay,”.
Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku
Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan
Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı
Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay
Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda
Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin
Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad