Home Wararka Maanta P.m Rooble “Gacanta Ikraan Tahliil dishay, ayaa dishay Xildhibaan Aamino”

P.m Rooble “Gacanta Ikraan Tahliil dishay, ayaa dishay Xildhibaan Aamino”

0

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in hal meel laga soo abaabulay dilalka loo geystay Ikraan Tahliil iyo Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi.

Rooble ayaa hadalkan ka sheegay kulan caawa ka dhacay Muqdisho oo loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

“Gacanta Ikraan Tahliil dishay, ayaa dishay Xildhibaan Aamino, ka hor geerideeda waxaa na soo gaartay hanjabaad ah in aan eedi doono tartanka aan furnay ee kursigeeda” ayuu yiri RW Rooble.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo marxuumad Aamino ay ka wada shaqeynayeen sidii cadaalad u heli laheyd Ikraan Tahliil balse waxaa uu xusay nin kiiskaas la siyaasadeeyey, loogana baxay taasoo uu wax laga xumaado ku tilmaamay.

Waxaa Sidoo kale munaasabadaas ka qeyb galay khudbadana ka soo jeediyey madaxdii hore ee dowlada Somalia xubno ka tirsan golayaasha dowlada oday dhaqameedyo iyo qeybaha bulshada.

Rooble ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu la soo xariiray intii uusan dhicin weerarka lagu dilay Aamino

“Wuxuu ii sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashada Hirshabelle uu caqabad ku noqday kursigan, isagoo doonaya inuu Aamino dhaafiyo, waxaana ku heshiinay in asagaba la bedalo sidoo kale Aniga iyo Cali Guudlaawe waxaan isku aragti ka noqonay in gabadhaas ay khatar ugu jirto in la dhibaateeyo, markaan go’aankaas qaadanay aniga iyo Cali Guudlaawe waxaa igu soo bilowday fariimo la igu leeyahay kursigii ay ku fadhisay Aamino sababta aad tartankiisa u furtay waxaad ka hesho ayaad leedahay Cali Guudlaawe iyo adigaba waan iska kaa celin doonaa, illaa hadda fariintaas waa hayaa” ayuu yiri Rooble oo ilmeynaya.

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa wacad ku maray in kooxihii ka dambeeyey dilka Aamino iyo Ikraan aysan ka hari doonin, ayna maalin maalmaha ka mid ah horkeeni doonaan cadaalada si ciqaabta ay mudan yihiin loo mariyo.

Waxaa Sidoo kale munaasabadaas ka qeyb galay khudbadana ka soo jeediyey madaxdii hore ee dowlada Somalia xubno ka tirsan golayaasha dowlada oday dhaqameedyo iyo qeybaha bulshada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo Bilowday Qorshe Farmaajo looga adkaan karo Doorashada Madaxweynaha(Xog)
Next articleDeni oo isku Shaandhayn deg deg ah Ku sameeyey Golahiisa Wasiirada