Bishan Maarso waxaa magaalada Acra ee caasimadda dalka Ghana ka socday tartan caalami ah oo orodka, kaas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50 dal oo ku yaal qaaradda Afrika.
Dalalka ayaa dirsanayey orodyahannadooda ugu dheereeya iyada oo dalalka Bariga Afrika oo orodka masaafada dheer caan ku ah ay dirsadeen dhowr ciyaartoy midkiiba marka laga reebo Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa uga qayb galay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo hore ugu guulaystay orodyo isla markaana kaalinta labaad ka galay orodka shanta kun ee mitir oo uu shalay ka qayb galay, isaga oo noqday orodyahanka kaliya ee Soomaaliya uga qayb galay tartanka.
Kaalinta kowaad ee masaafada 5000 waxaa Cabdullahi ka qaatay orodyahanka u dhashay dalka Itoobiya ee Gebrhiwet Berhe, haseyeeshee Cabdullaahi wuxuu dhigay taariikh cusub kadib markii uu Soomaaliya u hantay billaddii ugu horaysay ee heerkan oo kale ah muddo 35 sano ah kadib.
Tartanno badan ayaa ka dhacay halkaas waxaana billadaha ugu badan aruursaday dalka Masar oo qaatay191 billadood, iyada oo ciyaaraha lasoo gabagabeeyay shalay oo sabti ahayd.
Si kastaba ha ahaatee cabdullaahi Jaamac oo BBC u warramay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kaalinta iyo billadda macdanka ee u uku helay kaalinta labaad ee orodka shanta kun ee mitir ah.
“Wallaahi nwaxaan dareemay farxad aan lasoo koobi Karin, waayo inabadanbay maskaxdayda ka guuxaysay in aan billad kaga guulaysto orodkan,” ayuu noo sheegay Cabdillaahi.
Cabdullaahi waxa uu sheegay in dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea oo midkiiba ay saddex ciyaartoy uga qayb galaysay orodkan shanta kun ee mitir ah ay ahaayeen kuwa culayska ku hayey balse uu ka guulaystay dhammaan ciyaartoydaas marka laga tago orodyahanka reer Itoobiya ee kaalinta kowaad galay.
Waa kuma Cabdullaahi Jaamac Maxamed?
Cabdullaahi waxa uu dhashay sannadkii 2001-dii, waxa u uku dhashay gobolka Sanaag magaaldiisa Ceerigaabo halkaas oo uu kusoo qaatay waxbarashadiisa dugsiga hoose illaa sare.
Waxa uu BBC u sheegay in uu weligiis jeclaa orodka, wuxuuna tartankiisii ugu horeeyay ee billad la bixinayo ka qayb galay sannadkii 2014-kii.
“Waxa uu ahaa 2014-kii shan kilo mitir oo markaa guddoomiyihii ciyaaraha ee gobolka Maxamed Siciid saalax oo aan halkan aad uga mahad celinayo uu dhallinyarada gobolka u qabtay, shantaa kunbaan kaalin kasoo galay, maalintii wixii ka dambeeyayna waxaan kabaha u qaatay in aan billad ka keeno Afrika iyo Adduunka” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka sheekaynaya tartankiisii ugu horeeyay ee orodka.
“Orodkayga waxaan kasoo bilaabay ceerigaabo oo run ahaantii geedigaygu aadbuu u dheeraa laakiin maalinba meelbaa la taagan yahaye maanta waxaan ahayn ninkaas Afrika shanta kun billadda macdanka ka haysta” ayuu yiri.
Cabdullahi waxa uu kooxda ciyaaraha fudud ee Qaranka ku biiray sannadkii 2019, isla sannadkaas ayuuna ka qayb qaatay tartankiisii ugu horeeyay ee calami ah kaas oo uu uga qayb galay dalka Jabuuti wuxuuna helay billadda dahabka ah oo uu ku mutaystay kaalinta kowaad oo uu ka galay orodka shanta kun ee mitir.
Waxaa ugu xigay Rwanda oo uu orday kun iyo shan boqol mitir. Tartankan wuxuu ku guulaystay billadda naxaasta oo u uku mutaystay kaalinta saddexaad.
Intaa wixii ka dambeeyay wuxuu orday dhowr tartan oo calami ah oo uu ka mid yahay African games oo uu kama dambeysta gaaray iyo world Champions.
Cabdullaahi waxa uu sheegay in uu ka filayo dadka Soomaaliyeed iyo masuuliyiintu in ay ku abaal marin doonaan kuna dhiiri galin doonaan kaalinta uu ka galay tartankan oo sabab u noqotay in uu calanka Soomaaliya ka hor ruxo kumanaan daawadayaal ah iyo malaayiin shaashadaha ka daawan doona.