Home Wararka Maanta odayaashii Beesha Wacaysle ee Alshabaab la shaqayn jiray oo Gacanta Lagusoo dhigay

odayaashii Beesha Wacaysle ee Alshabaab la shaqayn jiray oo Gacanta Lagusoo dhigay

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay labo kamid ah odayaashii ugu waa weynaa ee kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Odayaashan oo lagu kala macagaacabo Axmed Cali Gadaf iyo Cali Xasan Geeddi ayaa isku soo dhiibay hay’adaha ammaanka ee dowladda, iyaga oo kasoo goostay kooxda Shabaab.

Labadan oday dhaqameed ayaa u dhexeyn jiray Al-Shabaab iyo shacabka, waxayna sidoo kale ay uruuri jireen lacagaha ay rabto kooxda iyo ciidamada ay ka doonayaan deegaanka.

“Annaga waxaan ahayn odayaal dhaqameed oo Shabaabka iyo dadka u dhexeeya xoolo waa naloo diraa, ciidamo waa naloo diraa waana ka keeni jiray dadka ” ayuu yiri Geeddi.

Sidoo kale Axmed Cali Gadaf oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ka howlgeli jiray deegaanka Cowswayne oo dhawaan uun lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib weerar ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu ximli waayey dhibaatooyinka ay haatan wajaheyso kooxda, uuna sidaas uga soo tegay.

“Waxaan kasoo kacay oon ka imid degmada Ceeldheer, meel ka tirsan oo la yiraahdo Cowswayne, waxaana uga soo tegay Nabadoon u dhexeeya nimanka meesha jooga oo Shabaab ah iyo shacabka ayaan ahaay, waxaana ogaaday inaanan xamili karin arrintaas, waxaan go’aansaday inaan kasoo tago oo isku soo dhiibo dowladda” ayuu yiiri Gadaf.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray odayaasha kale ee weli jira Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay isaga soo baxaan, iskuna soo dhibaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDeni oo Shaaciyay waxa ay isku haystaan Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ay ku kala tageen
Next articleMadixii Maalyada Alshabaab ee Gobalka Mudug oo Qaab layaab leh loo Dilay lagana Soo Firtay 100 Geel ah(Sawiro)