Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga horyimid heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.
“Waxaan nasiib darro ah iyadoo isku keeni kari la’yahay in dalka gudihiisa joogtay ee wax wada lahayn in maanta Xabashi baan is dul keeneyna la yiraahdo” ayuu yiraahdeen reer Saylac
Sidoo kale waxa ay odayaasha reer Saylac baaq cod dheer ah u direen shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaali weyn oo ay ka dalbadeen inay diidaan heshiiskaasi.
Dhinaca kale waxaa sidaan oo kale heshiiska Addis Ababa uga horyimid Beesha Ciise ee degta Somaliland, taas oo shir deg-deg ah ka yeelatay in badda lagu wareejiyo Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Haddii aad waxaas ka laabmi weydid Beesha Ciise talo ayay ka gaareysaa si deg-deg ah”.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay Somaliland ku bedalatay badda ay ku wareejisay Itoobiya, taas oo uu ku tilmaamay arrin la yaabkeeda leh.
“Aqoonsiga ku doon laguma oran inaad bad iibiso ama barri, badda iyo barriga Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto iyada iska leh cid kale looma daba fariisanayo shaqsi qurana ma iibin karo, mana bixin karo” ayuu mar kale yiri.