Home Wararka Maanta Norway oo Xukun Adag ku Riday laba Gabdhood oo Soomaali ah

Norway oo Xukun Adag ku Riday laba Gabdhood oo Soomaali ah

0

Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa Jimcaha maanta ah xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kadib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii.

Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka.

Gabadha weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah oo mid kamid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.

Xukunnadan ayaa waafaqsanaa codsigii xeer-ilaaliyeyaasha. “Maxkamaddu waxay go’aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri,” ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo.

Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya.

Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay markii dambe ku sharraxeen email ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad.

Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.

Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasi oo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya.

Dalka Norway, aqoonsiga eedaysanayaasha inta badan lama shaaciyo illaa xukunku ka xaqiiqoobo iyadoon wax racfaan ah laga qaadan.

Labada gabdhood oo racfaan ka qaadan kara xukunka ayaa ahaa dulucda buug ay qortay qoraaga reer Norway ee Asne Seierstad.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Hada Kadib Alshabaab laisku Qarxin Doono
Next articleAfrica:Madaxweyne ku Dhawaaqay inuu Xukunka Ku wareejinaayo Wiilkiisa