Soo jeedintu waxay khusaysaa tigidhada 30-maalmood laga bilaabo 16 Noofambar ilaa 16 December.
Golaha magaaladu waxa uu u qoondeeyay dhaqaale dheeraad ah si uu u sameeyo olole lagu doonayo in gaadiidka dadwaynaha laga dhigo mid soo jiidasho leh.
Ujeedadu waa in la baro dadka safarka ah ee cusub iyo in kuwa sida aan badnayn u safri ay in badan u safraan, ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Deegaanka iyo Gaadiidka Dawladda Hoose ee Magaalada.
Kaarka billaha ah ee maanta ee dadka waaweyn waa 814 NOK. Qiimaha cusub – hal bil – wuxuu noqon doonaa 499 NOK. Tigidhka ardaydu waxa uu ku kacayaa 299 NOK, halka kaarka bilaha ah ee caruurta, dhalinyarada iyo dadka waayeelka ah uu diyaar u yahay 249 NOK.
Tigidhada waxa kaliya oo lagu iibiyaa app-ka Ruter, nooca ugu dambeeyay ee tigidhka Ruter iyo abka raadinta safarka.