Home Wararka Maanta NISA oo weerar Ku Qaaday Oday Dhaqameed Ka Tirsanaa Beelaha Mudulood

NISA oo weerar Ku Qaaday Oday Dhaqameed Ka Tirsanaa Beelaha Mudulood

0

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin kuwa NISA ayaa caawa maqribkii gudaha u galay guriga Wabar Socdaal oo ka mid duubabka Dhaqanka beesha Mudullood oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Wabar Socdaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan ay xoog u soo garaaceen ka diba soo jebiyeen albaabka hoygiisa

Waxaa uu sheegay in ciidankaas ay wateen mid ka mid ah ilaaladiisam ayna soo daayeen markii dambe, iyagoo ka qaatay buu yiri bastoolad uu watay.

Ma jirin, warqad la ii keenay ama ogeysiis ku saabsan in gurigayga la iigu iimaanayo, arrintaas waxaa ka dhalan kartay  isku dhac maadaama ay ilaalo hubeysan ay joogaan guriga, ciidanka soo galay gurigana aan la garaneynin waxa ay yihiin” ayuu yiri wabarka oo intaas ku daray inuusan ogeyn sababta ciidankaas u soo weerareen hoygiisa, aysana jirin cid ilaa hadda arrintaas kala soo  xiriirtay, isagoo dalbaday in saraakiisha NISA ay arrintaas sharaxaad ka bixiyaan.

Waa markii 2-aad oo bil gudaheed Ciidamada NISA lagu eedeeyo in ay weerareen guryo ay dagan yihiin Saraakiil iyo Odayaal dhaqan.

Weerarkii kan ka horreeyay waxaa uu dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday Sayidcali Cabdi Cadaawe oo ahaa sarkaal ka tirsan Xoogga dalka, kaasoo NISA ka bixisay diyo iyo raali gelin

Ad
Previous articleDowlada Masar oo qaadatay go’aan culus oo lama filaan iyo dharbaaxo ku noqday Israel
Next articleHowlgalkii Alshabaab looga Saari lahaa Galgaduud oo Maantay Dib Ubilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here