Home Wararka Maanta NISA oo hoos u dhigtay shaqadii booliska Muqdisho

NISA oo hoos u dhigtay shaqadii booliska Muqdisho

0

Hay’ada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa hoos u dhigtay shaqadii ay magaalada Muqdisho ka hayeen ciidanka booliska, ayada oo la wareegtay howlihii ugu muhiimsanaa ee uu qaban jiray booliska.

Qorshaha hoos loogu dhigayo shaqadii booliska ee caasimada ayaa waxaa hindisaheeda iska leh taliyaha NISA Mahad Salaad, kaasi oo hadda dhaqan-galay wajigiisii koowaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiil kamid ah nabad-sugida iyo booliska.

Waxaa meesha laga saaray oo la hakiyay howl-galadii ay ciidamadda booliska ee gobolka Banaadir iyo kuwa Haramcad ka sameyn jireen caasimada, waxaana shaqadaas si toos ah ula wareegay ciidamadda NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan.

Habeenadii la soo dhaafay ayey ciidamadaan ka tirsan NISA howl-galo ka fuliyeen degmooyinka Muqdisho, iyagoo iska reebay ciidamada booliska, waxaana la sheegaya in howl-galadaan oo joogto noqonaya ay fulinayaan NISA oo kaliya.

Sidoo kale waxaa socda qorshe lagu damacsan yahay in dhamaan baraha kontrol ee laga soo galo magaalada iyo kuwa gudaha lagu wareejiyo ciidamada ka tirsan hay’adda NISA, ayada oo haatan meelaha qaarba laga hirgaliyay arrintaan.

Ciidamo NISA ka tirsan ayaa la wareegay kontroolo ku yaala nawaaxiga isgoyska Dabka iyo midka Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada, waxaana halkaasi laga wareejiyay ciidamo boolis ah oo hubin jiray gawaarida aada dhanka Villa Somalia.

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in fariisimo hor leh ay la wareegaan ciidankaan ka tirsan NISA ee sida tooska ah u hoostaga taliye Mahad Salaad, si amniga guud ee caasimada loo hoos geeyo hay’ada uu madaxa ka yahay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Milateriga Soomaliya oo Muqdisho lagu Dilay
Next articleKoobka Aduunka oo Kanalada Sweden u Baahinayaan Qaab Lacag La’aan Ah (Magacyada Talafashinada)