Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta kusoo dhigay agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dajiyay dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab” ayay tiri NISA.
Sirdoonka Soomaaliyaa ayaa intaasi ku daray in uu si dhow ula socday saanaddan ciidan, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay in la keeno gudaha dalka.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad ballaaran oo kala joogtay dibadda, Muqdisho iyo gobollada, sida ay hadalka u dhigtay.
“Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka NISA.
Hay’adda ayaa sidoo kale la wareegtay afar baabuur oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan, si ay u geeyaan deegaanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada dalka.
Dhanka kale, Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in agab kale oo ciidan ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga sameeyay howlgal kale oo qorsheysan, kuwaas oo toos loogu keenay diyaarad.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la macaamiilka Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaallo culus oo uga furan gobollada dalka.