Cabdullaahi Warsame Rooble oo ah Suxufi ka tirsan warbaahinta dowladda, oo muddooyinkii dambena ka soo warami jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa shaaciyay tacadi ay ciidanka NISA kula kaceen.
Suxufiga ayaa sheegay in dharcadka jirdishay ay u sheegeen in ay muddo ku daba jireen, sida muuqatana ay ahaayeen kuwo ku socday xog ogaalnimo badan, sida uu sheegay Suxufiga.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dharcadka NISA ee jirdilka u geystay ay ka qaateen laba telefoon oo uu watay, islamarkaan ay qasab uga qorten fura-sireedyada (Passwords) walba oo lagu furo Applications-ka ku jira mobile-kiisa, sida uu sheegay.
Dhacdadan ayaa dhacdey xilli ay hoteelka SYL ku jireen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna ka dhex dagaalamayeen, islamarkaana ay xaalad amni oo halis ah ka jirtay gudaha magaalada Muqdisho.
Xalay abbaare 3:30 aniga oo ka suxuurtay maqaayad ku taalla jidka Maka-Almukarama kuna socda xaafaddeyda ayaa waxaa i qabtay 4 nin oo dharcad nabad sugid ah.
Waxay ii geysteen jirdil, iyagoo qaatay laba taleefan oo aan lahaa, isla markaana iga qortay Password walba oo lagu furo Applications-ka ku jira mobilkeyga.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa muqaal aan arrinkaas ku faah-faahinayo.