Home Wararka Maanta NISA iyo Haramcad oo Howlgal Culus ka Fuliyay Gudaha Bakaaraha

NISA iyo Haramcad oo Howlgal Culus ka Fuliyay Gudaha Bakaaraha

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay gudaha Suuqa Bakaaraha ay ka sameeyeen Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda oo gudaha u galay suuqaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), waxaana ciidamadu ay sidoo kale isku fidiyeen, xaafadaha Warshadii hore ee Caanaha, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, xaafadda Daaru-salaam iyo degmooyin ka mid ah qeybta bari ee gobolka Banaadir.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka, sida uu shaaciyey taliyaha Booliska qaybta goblka Banaadir ee xalay kormeerka ku tegay Suuqa Bakaaraha.

Farxaan Qaroole ayaa intii uu socday howlgalka xog wareystay ganacsatada Bakaaraha oo uu wax ka weydiiyey amniga guud ee Suuqaas oo ah kan ugu weyn Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladaan oo looga gol-leeyahay xaqiijinta amniga guud ee degmooyinka gobolka Banaadir

Boolisku ma shaacin natiijada kasoo baxday howlgalkan iyo haddii ay jiraan in dad lagu soo qab-qabtay iyo in kale.

 

 

 

Ad
Previous articleNin toogasho aan loo aaba-yeelin ku ekeeyay magaalada ugu nabdoon adduunka
Next articleMaxay ka wadahadli doonaan Xasan Sheekh iyo Recep Tayyip Erdogan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here