Home Wararka Maanta Ninkii ugu horeeyay ee loo geliyay kelli doofaar oo dhintay kadib…..

Ninkii ugu horeeyay ee loo geliyay kelli doofaar oo dhintay kadib…..

0

Isbitaalkii sameeyay qaliinka ayaa sheegay in ninkii ugu horreeyay ee loo geliyay kellida doofaarka uu dhintay laba bilood ka dib markii qaliinka lagu sameeyay.

Richard “Rick” Slayman, oo 62 jir ah, ayaa ldarnaa cudur kelliyaha oo ahaa heerkii ugu dambeeyay ka hor inta aan qaliinka lagu samayn bishii March.

Isbitaalka guud ee Massachusetts (MGH) ayaa sheegay Axadii inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in dhimashadiisa ay ka dhalatay xubinta lagu tallaalay.

Bedelka xubnaha kale ee hidde side ahaan ka yimid doofaarka ayaa hore u guul darreystay in bani’aadam loo geliyo., balse qalliinka lagu sameeyay Mr Slayman ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Marka laga soo tago cudurrada kelliyaha, Mr Slayman waxa kale oo uu la ildarnaa nooca 2-aad ee xanuunka macaanka iyo dhiig-karka.

Sannadkii 2018-kii, waxa loo geliyay kelli bani’aadam, laakiin waxa ay bilawday in ay shaqeyn weyso shan sano ka dib.

Ka dib markii loo geliyay kelli doofaar 16-kii Maarso, dhakhaatiirtiisu waxay xaqiijiyeen inuusan u baahnayn sifayn, ka dib markii xubinta cusubi la sheegay inay si fiican u shaqaynayso.

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir
Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo Markale Guul Cajiib ah ka gaartay doorashada xisbiga dimuquraadiga ah
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Xaaladda Gaza oo kasii dartay