Home Wararka Maanta Ninkii Sida Argagax Leh Warta Nabada Ugu Dilay Maaido oo Gacanta Lagu...

Ninkii Sida Argagax Leh Warta Nabada Ugu Dilay Maaido oo Gacanta Lagu Soo Dhigay lana ogaaday Waxa ka dhaxeeyey

0

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Boliiska Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan inuu gabar dilay, kaasi oo ahaa Macalin Dugsi Qur’aan.

Eedeysanaha lasoo qabtay ee dilka gabadha loo heysto waxaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam), booliska ayaa sheegay in ninkaas loo heysto inuu ceego ku dilay Maa’ido Maxamed Axmed oo aheyd gabar 17 jir ah oo hasaawe kala dhaxeeyay.

“Waxaa socota baarista Boliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkammada awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska gobolka Banaadir.

Hadaba sidee u dhacay dilka gabadhaas?

Gelinkii dambe ee shalay ayaa meydka gabadhaas lagu dhex arkay gurigooda oo ku yaalla degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir, waxaana la sameeyey baaritaan deg deg ah iyo dabagal dheer.

Garbar la dhalatay gabadha la dilay ayaa ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in dilkeeda aan loo adeegsaday hub ee garaacis iyo ceeji lagu dilay.

“Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri.

Gabadha ayaa intaas ku sii dartay “Dad ayaa lagu tuhmoowaa illaa haddana waa lagu raad-joogaa qaarna waa la haayaa waana tuhun lee.”

Wiilka lasoo qabtay wuxuu ahaa macalin dugsi oo deris la ahaa reerka ay dhabadhasi ka dhalatay, wuxuu ahaa nin aan laga shakin oo gabadha jeclaa, isla markaana imaa jiray xaafada, galab kasta.

Shalay galay wuxuu fursad ku helay gabadha, iyadoo kaligeed joogta Guriga, waxaana la sheegay inuu isku dayey inuu kufsado, inkastoo aan laheyn cadeyn rasmi ah.

Dilka kadib, Waxaa bilowday baaritaan culus, waxaana laga tixraacay kaamiradaha ku xiraa guryaha, iyadoo ugu dambeyntii ka ogaaday inuu yahay ninkaas, Aabihiis iyo Macalin kale oo dugsiga la dhigi jiray ayaa xalay xabsiga ku hoyday, ugu dambeyntiina waxaa galabta isagoo dhuumanaya laga soo qabtay xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleTrump oo Markale Ka Badbaaday Isku day Lagu Khaarijin lahaa
Next articleXukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya