Home Wararka Caalamka Ninkii Dilay Raysulwasare Shinzo Abe oo shaaciyey sabab cajiib ah ee uu...

Ninkii Dilay Raysulwasare Shinzo Abe oo shaaciyey sabab cajiib ah ee uu u Dilay

0

Ninka dilay Shinzo Abe ayaa rumeysnaa in ra’iisul wasaarihii hore ee Japan uu xiriir la lahaa koox diimeed uu ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee hooyadiis.

Tetsuya Yamagami ayaa sidoo kale bilo qorsheynayey weerarka isaga oo gurigiisa ku sameystay qoriga uu ku dilay Abe, sida ay booliska u sheegeen warbaahinta.

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey Shinzo Abe oo taagan masrax uu taageerayaal kula hadlayey markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

Ugu yaraan laba xabad ayaa u muuqday in la riday, kuwaas oo ku dhacay ra’iisul wasaarihii hore.

Yamagami oo ah nin aan shaqeyn ayaa kaligiis noolaa, umana jawaabi jirin dadka marka ay la hadlaan, sida ay deriskiisa u sheegeen Reuters.

Waxa uu rumeysnaa in Abe uu taageeray koox diimeed ay hooyadiis ku hanti beeshay sidii ay lacag ugu deeqeysay, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Kyodo oo soo xiganeysa dambi-baarayaasha.

“Hooyadey waxay ku qafiiftay koox diimeed aan necbahay,” ayey Yamagami kasoo xigteen Kyodo iyo warbaahinta kale ee Japan. Booliska gobolka Nara waa ay diideen inay ka hadlaan rrintan,

Warbaahinta Japan ma shaacin magaca koox diimeedka uu Yamagami u careysan yahay.

Yamagami ayaa waxyaabaha uu ka sameeyey hubka kasoo iibsaday online. Wuxuuna bilo ku bixiyey qorsheynta weerarka, isaga oo xitaa ka qeyb-galay olole doorasho oo kale oo uu ka hadlayey Abe, oo ka dhacay meel 200-mile u jirta halka uu deganaa.

Kahor inta aan go’aansan inuu qore u adeegsado weerarka, wuxuu ka fakaray inuu isticmaalo bam, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee NHK.

Yamagami ayaa ku noola dhisme ka kooban dhowr iyo toban dabaq, oo uu ka deganaa dabaqa sideedaad. Mid ka mid ah deriskiisa oo ah haweeney 69 jir ah ayaa sheegtay inay aragtay saddex maalin kahor dilka Abe.

 

 

 

 

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleDowladda Erateria oo war ka soo saartay safarkii Madaxweyne Xasan Sheikh
Next articleAmiirka Guud ee AlShabaab Abuu Cubayda oo fariin u Muuqatay sagootin usoo diray Ciidamada ATMIS