Home Wararka Maanta ninkii Dhawaan Hooyadiis Ku dilay Magaalada Wajeer oo asna Geeriyooday

ninkii Dhawaan Hooyadiis Ku dilay Magaalada Wajeer oo asna Geeriyooday

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya inuu caawa geeriyooday ninkii dhawaan magaaladaasi ku dilay hooyadii.

Sida wararkii horaba lagu baahiyay markuu dilay hooyadiis ayuu isku dayay inuu baxsado isagoo wata baangad balse waxaa ka hortagay dadka xaafada oo garaacay markii la isugu tagay ilaa isagoo tacbaan ah booliiska lagu wareejiyey.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan inuu isbitaalka la dhigay sidii maalinkaas loo garaacay ayna xaaladiisa liidatay, ugu danbeyna caawa ayuu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibayay.

Wararkii ugu dambeeyay Wajeer laga helaayo markuu hooyadiis dilay kadib waxay sheegayaan inuu lacag darteed maamada u dilay taasoo aheyd lacag 200 Kun Shilinka kenya oo u dhiganta 1,500 Doolar taasoo ay faraqa ku heysatay isagoo rabay inuu qasab kaga qaato.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Dilka loo gaystay Gudoomiye Mukhtaar Nuur Geesey
Next articleDiyaarada Kenya Airways oo Ku dagiwaysay Garoonka Diyaarada Muqdishu Dibna U laabatay Ogoow Sababta