Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa saaka xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Xukunka oo qisaas ahaa ayaa waxaa lagu fuliyay xukmane Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika, Marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse.
Booliska Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa xaqiijiyay in xukunka dilka ah uu saaka fulay, isla markaana toogashada lagu fuliyay Maxamed Abshir oo 29 July 2024 dilkan uga gaystay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gaacsiga maamulka Puntland.
“Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse” ayaa lagu yiri warka Booliska.
Fagaaraha ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka socotay maxkamadda, mas’uuliyiinta degmada iyo ehellada oo goobjoog ahaa qisaasta.
Maxkamadeynta dambiilaha ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana dilka uu gaystay uu yimid, kadib muraan ka dhashay mushaaraadka jaamacadda oo ay ka wada tirsanaayeen marxuumka iyo isaga, iyada oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay toogashada.
Si kastaba, Puntland ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay shaqsiyaad dilal ka gaysta deegaanadeeda, kuwaas oo u badan xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.