Waxaa tallaabo laga qaaday sarkaalka sare ee ka soo jeeda dalka Equatorial Guinea, kaas oo lagu helay fadeexad galmo.
Baltasar Ebang Engonga, madaxa hay’adda baarista dambiyada la xiriira maaliyadda qaranka, oo ah nin xaas ah, ayaa waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaallo boqolaal gaaraya oo uu kula galmoonayo haween kala duwan.
Haweenka uu la galmoday, waxaa ku jira xaasaska qaar kamid ah mas’uuliyiin jagooyin sare ka hayya dowladda.
Waxaa uu ku xirnaa xabsiga Black Beatch ee ku yaala caasimadda Equatorial Guinea ee Malabo, isagoo loo heysto edeymo musuq maasuq markii muuqaallada galmada lagu faafiyay baraha bulshada.
Weli si fagaare ah ma uusan uga hadlin arrintan. Wararka la xirriira ceyrinta Baltasar Ebang Engonga, ayaa yimid kadib wareegto uu saxiixay adeerkii, oo ah madaxweynaha dalkaas Equatorial Guinea, Obiang Nguema.
Ninkan ayaa lagu naaneysaa “Bello” oo ah erey af Spanish ah oo micnaheedu yahay qurux.
Falalkaas ayaa qaarkood waxaa uu ku dhex sameeyay, gudaha xafiiskiisa oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda.
Tani ayay dadka qaar la xirririnayaan loolan awoodeed, oo ah qofka noqonaya madaxweynaha xiga ee dalkaas, kaas oo aabaha dhalay Engonga loo arko madaxweynaha xiga.
Fadeexaddan ayaa laga yaabaa inay dhanka kale dhisto sumcadda ninka ay xafiiltamaan, ee ah madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea, kaas oo sidoo kale ah wiil uu dhalay hoggaamiyaha hadda xilka hayya.