Home Wararka Maanta Nin Waday Qaraxyo Waawayn oo lagu qabtay Boosaaso lana Soo Bandhigay(Sawiro)

Nin Waday Qaraxyo Waawayn oo lagu qabtay Boosaaso lana Soo Bandhigay(Sawiro)

0

Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo.

Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaas uu damacsanaa dhagar weyn, balse ay ka hor tageen, kuna guuleysteen inay qabtaan isagoo badqaba oo qaraxyo ay u diyaarsan yihiin.

Goobta waxaa lagu bandhigay gaari Langarusal ah oo la sheegay inuu isku qarxi rabay iyo miinooyin aad u badan, balse lama sheegin hadii ay jiraan weerarro uu ninkaani horay u geystay.

“Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn, gaadiidkii lagu waday iyo sharwadihii doonayay inuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ku dhibaateeyo,” ayaa lagu qoraalkaan ka soo baxay taliska ciidamada PMPF-ta Puntland.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ciidanka fuliyey howlgalkaan ay bixiyeen, ninkaan meesha uu ka yimid, magaciisa iyo goobaha bartilmaameedka u ahaa, midna laguma shaacin warbixintaan.

Qeybo ka mid ah Puntland waxaa ka dagaalama Al-Shabaab, qeyb kale waxaa joogta Daacish, kuwaas oo mararka qaar ayagu is weerara, maadaama Shabaab iyo Daacish aysan heshiis aheyn, dhulka ay joogaan Puntalnd, waa buuraley aan lagu weerari karin oo deegaano fog fog ah.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleSacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah
Next articleShir Mudaxileedka Madaxda Maamul Goboleedyada Markale loogu Kordhinaayo Oo Maantay Muqdisho ka Furmaaya