Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska oo howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab.
“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir.
Sidoo kale eedeysanaha oo loo soo bandhigay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya ayaa booliska waxa uu sheegay in haatan ay ku hataan baaritaano dheeraad ah
“Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lasii raaciyay bayaanka.
Ugu dambeyn talisku waxa uu sheegay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo horgeeyo, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
Falkan argagaxa leh ayaa xanuun ku reebay ehellada ilmaha yar iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.