Home Wararka Somaliya Somaliland Nin Maraykanku Raadinaayay oo lagu Qabtay Soomaaliland

Nin Maraykanku Raadinaayay oo lagu Qabtay Soomaaliland

0

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad si weyn loo raadinayay oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen.

Somaliland aya qaar kamid ah warbaahinta dibadda la wadaagtay in ciidankeeda ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaadkaasi oo si weyn uu uraadinayay Mareykanka.

Raggan la sheegay inay qabatay Somaliland ayaa lagu magacaaba Waal Muhamad Saed iyo Haji Omar Ahmed, sida uu qoray wargeyska Intelli Times ee laga leeyahay Israel, soona xiganaya saraakiisha amniga maamulka.

Labadan nin ayaa la sheegay inay caan ku lahaayeen ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo taageerada kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama qaybo kamid ah bariga dhexe iyo Afrika.

Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada Somaliland ee inay gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaadkan sida weyn loo raadinayo, maadaama aysan jirin meel uu maamulka kusoo bandhigay raggaas.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dalalkii raadinayey raggaasi oo Mareykanku ugu horreeyo.

Tallaabadan ayaa durba loo arkaa mid saamayn ku yeelan doonta ammaanka gobolka maadaama Xuutiyiintu awooddaan inay duqaymo la beegsadaan gacanka cadmeed.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xilli uu Imaaraadka Carabta ka walaacsan yahay hantida ka taalla Berbera iyo saamaynta ka dhan karta tallaabooyinka Somaliland ku soo jiidanayso indhaha caalamka, oo ay qeyb ka tahay sheegashadan.

Ad
Previous articleNinkii Dilay Marxuum Macallin Xamae Muuse oo lasoo Qabtay
Next articleGuutada Birjeex oo Markale Alshabaab Nolosha kusoo qabtay hubna Ka Furtay