Home Wararka Maanta Nin loo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa oo loo tagay isagoo...

Nin loo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa oo loo tagay isagoo mayd ah

0

Madaxii hore ee fulinta shirkadda Streinhoff ee dalka Koonfur Afrika oo loo jaray warqad lagu soo xiri lahaa, ayaa mayd kiisa la helay sida ay boolisku sheegeen.

Warqad soo qabasho ah ayaa loo jaray Markus Jooste oo ah 63 jir, iyo saaxiib kii ay shaqo wadaagga ahaayeen Stephanus Grobler Arbacadii la soo dhaafay, isla maalin taas oo ahayd markii ganaax la dul dhigay Jooste, kaddib musuq iyo wax isdaba marin ay ku heshay Hay’adda Anshaxa Maaliyadda ee FSCA.

Jooste ayaa la helay isaga oo uu ku yaalo dhaawac xabadeed, meel ku dhaw xeebta Kwaaiwater oo ah daafaha magaala xeebeedka Hermanus oo ku dhaw magaalada Cape Town, wuxuna dhintay intii Isbitaalka loo sii waday.

Reuters oo qortay warkan ayaa sheegtay in ay gaari waysay qoyska Jooste, isla markaana aanay wax jawaab ah ka helin shirkadda Sreinhoff.

Shirkaddan oo mar ahayd mid yar oo ka ganacsata alaabbaha guryaha, markii dambena noqotay shirkad caalami ah, ayaa Jooste waxa lagu helay bixinta warbixinno maaliyadeed oo qaldan intii u dhaxaysay sanaddihii 2014 illaa 2017.

Jooste, oo shaqada ka tagay 2017 kii ayaa la filyay in uu is dhiibo, kana soo muuqdo maxkamadda horteeda, Jimcihii la soo dhaafay sida boolisku sheegay.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Shirka Kasocda Gorowe ee Xalay Warmurtiyeedka laga soo Saaray
Next articleCali Guudlaawe oo Shaqada ka Cayriyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdillaahi Sufurow oo dhawaan baladwayne Dagaal looga Qabsaday