Home Wararka Maanta Nin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka(Sawiro)

Nin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka(Sawiro)

0

Abdallah Al-Salami oo u dhashay Sacuudiga ayaa ka dhabeeyay riyadiisa ahayd inuu daawado ciyaaraha Koobka Adduunka kaddib markii uu ku lugeeyay masaafada u dhaxeysa magaaladiisa Jeddah ilaa iyo magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar.

Al-Salami ayaa sheegay inuu wajahay dhibaatooyin badan oo ka qabsaday safarkiia, balse uu dhibaatooyinkaas ku ilaabay ciyaaraha uu daawanayo maadaama uu ka dhabeeyey hadafkiisa.

Carabta ayaa xiiso gaar ah u yeelay Koobka Adduunka kaddib markii Sacuudi Carabiya ay 2-1 ugu badisay dalka Argentina.

Taageerayaal badan oo Carbeed ayaa ka faa’ideysanaya jawiga Qadar ee lagu qabanayo koobka adduunka ee sanadkan iyagoo qaarkood ku yimid gaadiid iyo mootooyin.

Ad