Home Wararka Caalamka Nin hubeysan oo xirnaa shaadh uu ku xardhan yahay calanka Iiraan oo...

Nin hubeysan oo xirnaa shaadh uu ku xardhan yahay calanka Iiraan oo dilay laba qof, 14 kalena dhaawacay Texas, Mareykanka.

0

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in nin hubeysan oo 53 jir ah uu dilay laba qof, islamarkaana uu dhaawacay 14 kale kadib weerar toogasho ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Austin, caasimadda gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa u sheegay wakaaladda in ninka weerarka geystay uu xirnaa jaakad ay ku qorneyd “Boqortooyadu Alle ayay u sugnaatay”, iyo funaanad leh naqshadda calanka Iiraan. Booliiska ayaa sheegay in askartu ay toogteen oo dileen ninka goobta, kadib markii uu isticmaalay bastoolad iyo qori dheer si uu u fuliyo weerarka.

Hay’adda Federal Bureau of Investigation (FBI) ayaa xaqiijisay in baaritaanno socdaan, isla markaana dhacdada loo baarayo fal argagixiso oo suurtagal ah.

Weriyaha Al Jazeera ayaa sheegay in xogaha hordhaca ah ay muujinayaan in ninka weerarka fuliyay uu yimid Mareykanka sanadkii 2006 isaga oo ka soo jeeda Senegal, uuna qaatay dhalashada Mareykanka sanadkii 2013. Waxaa sidoo kale la sheegay in buugaag diimeed laga helay gaarigiisa.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisado sare ay ka jiraan gobolka, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen olole militari oo ka dhan ah Iiraan, kaas oo la sheegay in ay ku dhinteen boqolaal qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ali Khamenei iyo mas’uuliyiin amni.

Dhanka kale, Tehran ayaa sheegtay inay ka jawaabtay weerarradaas, iyadoo ridday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ku wajahan Israa’iil iyo saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla dalalka Khaliijka, taasoo sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay sii fido.

Ad