Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil si aad ah looga argagaxay oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin dhalinyaro ahaa uu si arxandaro ah u dilay Xaaskiisii.
Allah u naxariiste marxuumada la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Fowsiya Cali Xaaji Shirwac, lamana oga ilaa hada sababta rasmiga ah ee la dambeysa in ninkaan sida arxan darada ah u dilo gabadha Xaaskiisa aheyd.
Marxuumad Fowsiya ayaa la sheegay in ninka dilay ay u dhashay 5 caruur ah, waxaana gacan ku dhiigalaha oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen uu sheegay in gabadha iyo asaga uu soo kala dhexgalay murun, islamarkaana uu xakameyn waayay naftiisa.
Si kastaba ha ahaatee dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka argagaxa leh ee ka dhax dhaca lamaanayasha Soomaaliyeed ee is qaba, waxaana muddooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka dilalkaan foosha xun.
Ugu dambeyntii sanadkaan sii dhamaanaya bilaawgiisa ayay aheyd markii magaalada Muqdisho nin dhalinayaro ahaa uu nolosha ku gubay Xaaskiisii oo uur laheyd, kaasoo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daa’uud oo dhowr bilood ka hor Maxkamadaha dalka ku xukumeen dil toogasho, hayeeshee ilaa hada laguma fulin dilkii lagu xukumay.