Ugu yaraan afar carruur yaryar ah ayuu dilay nin sitay baangad oo weerar ku qaadan goob lagu xannaaneeyo carruurta oo ku taalla magaalada Blumenau ee koofurta Brazil, sida ay sheegeen saraakiisha magaaladaas.
Far carruur oo kale ayuu dhaawacay ninkan 25 jirka ah oo galay iskuulka maanta.
Ugu yaraan mid ka mid ah carruurta dhaawaca ah ayaa la sheegay inuu xaalad halis ah ku jiro.
Booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in ninka weerarka geystay uu isku dhiibay booliiska.
Dab-damiyeyaasha ayaa sheegay in saddex wiil iyo gabar la dilay. Waxay da’doodu u dhaxeysay shan iyo toddobo jir.
Guud ahaan 40 carruur ah ayaa ku jiray gudaha Cantinho Bom Pastor nursery, marka uu weerarku dhacayay.
Ad