Home Wararka Maanta “Nin ayaan dilay, waxba ma dareemin, maxaa yeelay waan cabsanaa. Waxay ila...

“Nin ayaan dilay, waxba ma dareemin, maxaa yeelay waan cabsanaa. Waxay ila ahayd inaan tixsi dilay oo kale.’’

0

Kenya oo la daalaa dhaceysa dambiyada rabashadaha wata ee sii kordhaya ayaa qaybta warbixinnada baariseed sameysa ee BBC Africa Eye, waxay raacday dambiilo hore oo isku dayaya in uu ku qanciyo burcadda in ay soo dhiibaan hubkooda sharci darrada ah, iyagoo markiiba hal qori soo wareejinaya.

‘’Wixii ugu xumaa ee aan abid sameeyo waxa uu ahaa dil. Nin ayaan dilay,’’ sidaas waxa yiri nin dhalinyaro ah oo ogolaaday in muuqaal laga duubo laakiin aan la muujin marka la baahinayo.

‘’Waxba ma dareemin, maxaa yeelay waan cabsanaa. Waxay ila ahayd inaan tixsi dilay oo kale.’’

Samuel, maaha magaciisa dhabta ah, waxa uu joogaa magaalada Kisumu oo ku dhaw Harada Victoria ee galbeedka Kenya, si uu ula kulmo Boqor Kafu, oo horey u ahaan jiray qamarji laakiin hadda ka caawiya dadka in ay isaga haraan dambiyada dilku ka mid yahay.

Waxa uu ahaa qof dareenkiisu kacsan yahay. Waxa uu meel qarsoodi ah ku haystay qori AK47 wuxuna doonayaa in uu hadda ku wareejiyo booliska.

Marka la weydiiyay sababta, waxa uu yiri: ‘’Maalin ayaa iman doonta goor qoyskeygu aanay haysan wax ay cunaan. Aakhirkana dhib ayaa gaari doona.

‘’Haddii aan baxo oo aan khalad sameeyo, kaddibna xabad la igu dhufto, ma jiro qof halkaas jooga oo daryeeli doona qoyskeyga. Sidaa daraadeed waxaan go’aansaday oo qalbigeyga ka soo go’ay, inaan ka laabto arintan.’’

Tirooyinka ay bixisay Hay’adda Qaran ee tirakoobyada dalka Kenya ayaa muujinaya in burcadnimadu korodhay 20% sanad kii la soo dhaafay.

Hubka sharci darada ah ee sida qarsoodiga ah uga soo qulqulaya xuduuddaha wadanka ayaa ka dhigtay dadka rayidka ah ee Kenyanka ah mid kamid ah kuwa ugu badan ee haysta hubka wadamada Bariga Afrika, sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Amniga.

Sida ay muujinayaan tirakoobyada hubka fudud, kaas oo laga heli karo xoggaha hubka aduunka, illaa 750,000 oo hubka fudud ah ayaa ku jira gacanta dadka rayidka ah dalka Kenya. Taasi waxay ka badan isku darka kuwa ay haystaan milatariga iyo booliska wadankaasi.

Kafu ayaa noqday nin u dhaxeeya dadka doonaya in ay hubkooda wareejiyaan iyo booliska.

Waxa uu ahaa 15 jir markii uu galay dambigiisii ugu horreeyay. Wuxuu ku bilaabay in dadka uu ka dafo bacaha iyo boorsooyinka yaryar, laakiin markii dambe waxa uu u wareegay dhac hubeysan.

Sanad kii 2003, waxa lagu xukumay afar sano oo xarig ah markii lagu helay burcadnimo.

Samuel waxa uu aaladda Instagram kala xiriirray Kafu, wuxuna weydiistay caawinaad. Kafu waxa uu la hadlay booliska maxaliga ah ee Kisumu, waxayna isku raaceen in ay ka qaadaan qoriga Samuel, una balan qaadaan in aanay baaris ku sameyn doonin isagoo ka faa’iideysanaya barnaamika cafiska.

Laakiin markii la gaaray in la kulmo oo qoriga AK47 laga qaado, Samuel ma imaanin.

Kafu, oo hadda 40 sano jir ah waxa uu barnaamij soo jeediye ka yahay Raadiyaha Ghetto oo caan ka dhex ah dhalinyarada ku nool xaafaddaha isku raranta ee magaalada Nairobi, wuxuna barnaamijyadiisa u adeegsadaa in uu dadka ka wacyigaliyo isticmaalka hubka.

‘’Soo deyntaydii kaddib, waxan ogaaday kuwo badan oo saaxiibbaday ah oo ku lug lahaa dambiyada, oo xaalkoodu meel xun ku dhammaaday, intooda badan waxay u dhinteen natiijo ka dhalatay noloshoodii burcadnimo,’’ ayuu yiri.

Taasi ayaana ka dhigtay in uu badalo noloshiisii hore.

‘’Qofna kuma dhalan tuuganimo. Laakiin xitaa haddaanay dhalinyaradu shaqo haysan, waxan u sheegaynaa in burcadnimadu aanay wanaagsaneyn. Dadku waa in ay hubkooda sharci darada ah u dhiibaan dawladda,’’ ayuu yiri.

Labaatan kii sano ee u dambeysay dawladda Kenya waxay fidisay cafis si ay wax uga qabato burcadnimada hubeysan, waxayna xasaanad u balan qaaday kuwa soo wareejiya hubkooda.

Kumannaan qori ayaa gacanta loo galiyay dawladda. Laakiin tani waxay wax yar ka tahay hubka sharci darada ah ee dalka dhex wareegaya.

Mid kamid ah burcadda ayaa BBC Africa Eye u sheegay in helista qori gudaha Kenya ay ahayd mid fudud. Waxa uu yiri waxad ku iibsan kartaa 40,000 oo Kenya shilin ah oo u dhiganta $300.

Kafu ayaa sheegaya in dadku doonayaan in ay ku soo wareejiyaan hubkooda sharci darada ah dawladda, iyagoo kaba baqaya in lagu soo wiideysto, laguna soo raaco.

Booliska ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug yeesheen dilal sharciga ka baxsan. Ururka samafalka ee ka shaqeeya ama codka u ah dadka la waayo ayaa sheegay in inkabadan 800 oo qof ay ku dhinteen gacmaha askarta shantii sano ee la soo dhaafay. Intooda badan waxay ahaayeen da’yar sabool ah.

Gudaha Nairobi BBC Africa Eye oo uu la socdo Kafu waxay kaloo la kulantay nin kale, oo aan ugu yeeri doono John, kaas oo doonaya in uu qorigiisa wareejiyo.

‘’Diyaar ayaan u ahay in aan celiyo. Waad baxaysaa, qof ayaadna dilaysaa. Lacagta aad hesho sedex bilood ayaad ku qarashgareynaysaa, laakiin waa in aad daadisaa dhiiga qof kale. Waa inaad qof dhibaateysaa, adoo dambiile ahna aad ka tagtaa. Noloshu waa dhib.’’

John cabsidiisa ugu weyn marka loo socday booliska waxay ahayd in ay wax ku dhici doonaan.

Wuxuu ku tilmaamay wixii ku dhacay saaxiib kii oo odey ahaa kana tirsanaa bulshada deegaan markii uu doonay in uu wareejiyo labo qori. Booliska ayaa kaxeeyay, waxaase todobaad kaddib maydkiisa laga helay qaybta maydada la dhigo ee isbitaalka.

‘’Mushkiladdu waa is aaminaada yaad u sheegeysaa, yaad u dhiibeysaa,’’ ayuu yiri.

Waxa jira eedeymo baahay oo sheegaya in booliska Kenya ay qortaan isla markaana ay hubka iyo rasaastaba ka iibiyaan burcadda. BBC Africa Eye waxay eeddan hor dhigtay booliska, laakiin kama aanay jawabin.

Kafu ayaa ugu baaqay madaxa booliska maxaliga ah in uu hubiyo nabadgalyada ninka, maalmo yar kaddibna waxay wada tageen saldhiga iyagoo qorigii wada.

Sarkaalka ayaa hubiyay numbarka qoriga, wuxuna ku calaamadeeyay KP oo laga soo gaabiyay booliska Kenya.

Boolisku shir jaraa’id ayay uga dhawaaqeen in qoriga la soo celiyay, Kafuna waxa uu jeediyay hadal uu ku sheegayo in boolisku ku taagan yihiin balankoodii ahaa in ay ilaalinayaan nabadgalyada ragga soo wareejiya hubkooda ee ka hara burcadnimada.

‘’Waxan ka doonayaa dawladda in uu cad yahay mowqifkooda da’yarta. Marka ay waxan soo celiyaan, ma la weynayaa mise waa la caawinayaa? Waxan weydiisanayaa dawladda in arintan ay gacan ka geysato. Da’yartan waxa la doonayaa in loo muujiyo jaceyl.’’

Tan oo kaliya ma joojin doonto burcadnimada hubeysan ee Kenya, laakiin Kafu waxa uu leeyahay waa bilow. Burcaddu way aamineen, sida uu sheegayo, wuxuuna rajeynayaa in uu dad badan ku dhiiri galin karo in ay hubkooda soo wareejiyaan iyagoon ka baqayn ciqaab.

‘’Waxan isku dayeynaa in aan u dagaalanno da‘yartan’’ ayuu yiri Kafu.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo layimid Qorshe Cajiib ah oo uu Caalamka Uga Gadaayo Heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliland
Next articleIsraa’iil oo ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Koonfurta Qasa