Home Wararka Maanta Nin ajnabi ah Oo Dilay Gabar Soomaali ah oo uu Qabay Kadibna...

Nin ajnabi ah Oo Dilay Gabar Soomaali ah oo uu Qabay Kadibna Baxsady

0

Nin Ajnabi ah oo qabay Gabar Soomaali ah ayaa ceeji ku dilay Xaaskiisa Maydkeedana ka dhuuntay .

Gabar Soomaali ah oo dagan Magaalada istanbul ayaa Maydkeeda laga helay Gurigii ay dagneed balse Maxaa sababay dilka Gabadhan.

Laba habeen ka hor Maqaayad lagu cabo Shiishid oo ku taalo Istanbul ayaa lagu arkay Nin Suudaanes ah oo Gabar Soomaali ah iskudayay in uu garaaco oo uu gacan u qaado.

Wiilal Soomaali ah ayaa ku soo baxay oo la dagaalay ninkii wuxuuna yiri waa xaaskeyga iyagana waxay dhahen waa walaashen.

Buuq iyo Qeylo kadib Waa la heshiisiiyay wuuna watay xaaskiisa .

Habeenkaas marki ay guriga tageen ayuu dilay Ceeji ayuuna kudilay kadib Maxaa dhacay ?

Wuxuu jartay Tikid markii uu Elaborka tagay ayuu wacay wiil Soomaali ah wuxuu ku yiri xaaskeyga Talefon ka ma qabaneso ee fadlan igu tag inaa lahadlaa rabaa .

Wiilkii markuu tagay Guriga waa uu garaacay daqiiqada kooban kadib guri waa uu ka soo laabtay wiilka wuxuuna u shegay in laga furi wayay.

Gabadhi waa la wayay ninkina sidoo kale balse Galabta ayaa la ogaaday in Gabadhi ay dhimatay Ninkiina uu u baxsaday Suudaan.

Asal ahaan Gaabdhan waxay ka timid Sacuudiga waxay aheyd dadka wato dhaqamada carabta.

Way soo bateen Ajaanibta guursato gabadhaha Soomaalida isfahan la aan guurka kadibna dilo.

Ad
Previous articleMuxuu Xasan Sheekh ka damacsan yahay ciidanka Harmacad oo uu Horay u Dhaliili Jiray?
Next articleDeg Deg Rag hubaysan oo Weerar ku qaaday Saldhiga yaaqshiid oo la dilay