Home Wararka Maanta Mareykanka Iyo Ruushka Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Xaaladda Ukraine

Mareykanka Iyo Ruushka Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Xaaladda Ukraine

0

Masuuliyiinta Difaaca ee Maraykanka iyo Ruushka ayaa markii ugu horraysay muddo bilo ah, waxay yeesheen wadahadalkoodii ugu horreeyey, ka dib markii ay Khadka telefoonka ku wadahadleen maalintii Jimcaha.

Ruushka ayaa dhinaciisa muujiyey inuu diyaar u yahay wada-xaajood, xilli ay ciidamada Ukraine ku sii siqayaan magaalada Koonfureed ee Kherson oo Ruushku uu gacanta ku hayo.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa labaduba soo saaray qoraal muujinaya qodobadii ay ka wada hadleen xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Ruushka Sergey Shoygu, iyagoo isku raacay in diiradda la saaro dagaalka Ukraine.

Sida laga xigtay qoraalka uu soo saaray Pentagon-ku, xoghaye Austin “ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in uu furnaado xidhiidhka isgaadhsiintu, xilli uu socdo dagaalka ka dhanka dalka Ukraine”

Qoraal ka soo baxay dhinaca aqalka Kremlin ee looga taliyo dalka Ruushka oo ka hadlayey wada-hadalka dhex maray labada masuul ayaa lagu sheegay “inay ka wada hadleen dhibaatooyinka amniga caalamiga ah, gaar ahaan xaaladda Ukraine”

Ka hor wadahadalkan Jimcihii, markii ugu dambaysay ee ay labada wasiir wada hadlaan ayaa ahayd bishii May 13-keedii, xilligaas oo xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu ku baaqay xabbad joojin degdeg ah in laga gaadho dagaalka Ukraine.

Wadahadalkan ugu dambeeyey ee dhex maray masuuliyiinta Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku soo beegmaya xilli uu Ruushku muujiyey inuu diyaar u yahay wadahadal.

Afhayeen u hadlay dalka Ruushka Dmitry Peskov ayaa Jimcihii saxaafadda u sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu “bilawgiiba ogolaa wada-xaajoodka”.

Putin “ayaa isku dayay inuu wadahadal la bilaabo Maraykanka iyo NATO ka hor intii aanu bilaaban hawlgalka milateri” ayuu yidhi Peskov, isaga oo dagaalka Ukraine u isticmaalay luuqadda Ruushka ee ah, inuu yahay hawlgal milateri.

Sidoo kale waxaa isna rajo ka muujiyey in wada hadal uu dhaco, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, isagoo sheegay in Putin uu hadda u muuqdo mid “aad u danaynaya wada-xaajoodka”

Saraakiisha Maraykanka iyo NATO ayaa ku celceliyey in sida ugu dhakhsaha badan ee uu Putin ku soo afjari karo dagaalka Ukraine inay tahay in uu ciidamadiisa ka saaro Ukraine, arrintaas oo uu diiday hoggaamiyaha Ruushku.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sidoo kale sheegay in qodobada heshiis kasta oo la gaadho inay tahay inay aqbalaan Ukraine. Masuuliyiinta dalka Ukraine ayaa iyagu wacad ku maray inay dib u qabsan doonaan dhammaan dhulalka uu hadda ka haysto dalka Ruushku oo ay ku jirto Crimea oo Ruushku qabsaday sannadkii 2014.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Dalka Lagu Beero Toban Malyan Oo Geed
Next article40 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilayo Mareykanka + Sababta