Home Wararka Maanta Namibia Oo Madaxweyne Cusub Yeelatay Saacado Yar Kadib Markii Uu Dhintey Madaxweynihoodii

Namibia Oo Madaxweyne Cusub Yeelatay Saacado Yar Kadib Markii Uu Dhintey Madaxweynihoodii

0

Nangolo Mbumba ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha dalka Namibia saacado kadib markii uu ku dhawaaqay inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Hage Geingob.

Madaxweynahii dalka Namibia Hage Geingob oo 82 sano jir ahaa ayaa ku geeriyooday isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek halkaas oo lagu daweynayay.

Geingob ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii madaxweyne ka ahaa waddankan aadka u dadka yar ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee Afrika.

Halyeyga halgankii gobonimo doonka ee dalka, Mr Geingob ayaa laga helay cudurka kansarka, waxaana uu xogtan shacabka u soo bandhigay bishii hore.

Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyay ayaa xilkaasi sii heyn doonaa ilaa doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan.

Mr Geingob ayaa markii ugu horreysay loo dhaariyay xilka madaxweynenimo sannadkii 2015-kii, balse wuxuu soo qabtay xilal sare oo siyaasadeed tan iyo markii uu xorriyadda qaatay sannadkii 1990-kii.

Madax ka kala socota caalamka ayaa dirayey dhambaal tacsi ah iyadoo dad badan ay ka hadlayeen dadaalka Mr Geingob uu ugu jiro xaqiijinta xoriyadda dalkiisa.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cyril Ramaphosa, oo ah madaxweynaha dalka ay dariska yihiin ee Koonfur Afrika, oo ku tilmaamay inuu ahaa ruug-caddaa u soo halgamay xornimada Namibia ee gumeysiga iyo midab-takoorka.

Mr Geingob waxa uu musaafuris ku noolaa muddo 27 sano ah, isagoo waqti ku qaatay Botswana, US iyo UK, halkaas oo uu shahaadada PhD ka qaatay siyaasadda. Waxa uu dib ugu soo laabtay Namibia 1989, sanad ka hor intii aanu xornimada qaadan.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleQoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug
Next articleMaxaa ka jira in ciidamada DF ay kasoo baxeen Ceeldheer?