Home Wararka Maanta Nabadoon Xaad oo Sheegay in Dil lagu Xukumay

Nabadoon Xaad oo Sheegay in Dil lagu Xukumay

0

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Dalsan TV wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan xaaladda dalka & marxaladihii la soo maray.

Nabadoon Xaad ayaa wareysiga uu bixiyey kaga hadlay dhacdooyin cajiib oo uu la kulmay intii lagu jiray marxaladihii isbed-bedelka badnaa ee ay soo martay dowladda federaalka.

Xaad ayaa ka sheekeeyey qiso isaga ku dhacday xilli dowladdii KMG aheyd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ay dagaal la galeen, isaga iyo ciidamadii Itoobiya.

Nabadoonka ayaa shaaca ka qaaday in 2007-dii golaha amniga dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ay shir isugu yimaadeen, kadibna ay dil ku xukumeen isaga iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, kadib markii ay horyimaadeen nidaamkii xilligaas, wuxuuna tilmaamay in loo aqoonsaday dambiileyaal kadibna uu mudo 4 bilood ah dhuumaaleysayey.

“Waa la’ii xukumay waxaa fariistay golihii la dhihi jiray ammaanka ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ugu horreeyey oo xittaa Gabre ka ahaa hormuudka, Maxamed Dheere ku jiray Allaha u naxariistee, Cabdi Qaybdiid ku jiray, Darwiish ku jiray raggaas ayaa fariistay way na xukumeen, waxaa la yiri Odayaasha Hawiye isku sheega waa dambiileyaal guddoomiyaha hala dilo, inta kalena hala soo xiro ayey dheheen. Aniga waa cararay marka afar bilood waxaa ku dhuumanaayey magaaladaan Muqdisho, meelna ugama bixin warkeyga iyo shaqadeydana waa watay, saas ayaana ku badbaaday,” ayuu yiri Xaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii dambe uu soo bad-baadiyey ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde, isaga oo tilmaamay inuu mar walbo u duceeyo, maadaama uu soo caawiyey, isaga iyo AUN Nabadoon Axmed Diiriye oo uu isna ka soo daayey xasbiga Baydhabo.

“Inaan soo badbaado amaanteeda waxaa iska leh Nuur Cadde Allaha u naxariistee, isagaa i caawiyey, Axmed Diiriye isagaa kasoo daayey xabsiga Baydhabo, aniga isaga ayaa iga soo saaray dhuumashada aan ku jiray odayaasha intooda kalena isagaa cafiska siiyey,” ayuu markale hadalkiisa raaciyey Nabadoonka Maxamed Xasan Xaad oo u warramay Dalsan TV.

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDEG DEG: Maamul Goboleedyada oo Xariirka u jaray Dowlada Federalka
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo darajadii iyo Xuquuqdii Ciidanimo usoo caliyay Gen, Cabdalla cabdalla