Itoobiya ayaa walaac ka muujisay qalabka militeri ay Masar geysay Soomaaliya, waxayna ka digtay in ay taasi kaga sii dareyso ammaanka geeska Afrika.
Shirka golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay ee New York, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ka sheegay in hubkaas uu ku dambeynayo gacmaha xagjiriinta sababo la xiriira xasilloonidarada ka jirta Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid maalin kaddib markii Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar uu keenay shixnad hub ah oo ay ku jiraan lidka diyaaradaha iyo madaafiic. Tallabadan ayaa sii kordhineysa xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay ay Masar hub keento Soomaaliya. Bishii August labo diyaaradood oo ciidamada Masar leeyihiin ayaa keenay magaalada Muqdisho hub iyo rasaas.
Qaramada Midoobay ayaa qaaday cunaqabteynta hubka ee saarneyd Soomaaliya in ka badan 30 sano bishii Desember taas oo la saaray markii uu dalka galay dagaalka sokeeye
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay