Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo U Dheexeeya Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo Kasocda Duleedka...

Dagaal Culus oo U Dheexeeya Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo Kasocda Duleedka Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in goordhow dagaal xoogan oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay deegaanka Basra oo dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaais, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo, isla-markaana rasaasta iyo hubka ay isku adeegsanayaan laga maqyo aagga Basra oo u dhow magaalada Muqdisho.

Waxaa dagaalkan ka qayb qaadanayaa ciidamada Haramcad, kuwa Nabad Sugiddia iyo ciidamada Police Miltry ee dhowaan lagu wareejiyay inta badan amniga caasimada

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay dileen xubno ka tirsan kooxda, isla-markaana ay dhaawaceen kuwa kale oo kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday.

Ilo wareedyo wareedyo deeganaka ayaa sidoo kale sheegay in weli xaaladda ay qasan tahay, isla-markaana ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka ka socdaan halkaasi

Deegaanada lagu dagaalamayo ayaa horay ula wareegtay dowladda Soomaaliya, kadib markii laga saaray Al-Shabaab oo dadka Muqdisho ugu yeeri jiray Basra iyo agagaarkeeda.

Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan iyo dilal qorsheysan oo ay ka geysanayaan xubnaha Al-Shabaab, waxaana dhanka kale barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda oo lagu xaqiijinayo amniga.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen nin hubeysan oo toogasho ku dilay ganacsade ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Ad
Previous articleHowlgal Qorshaysan oo lagu Dilay Laba Sarkaal oo Ka Tirsanaa Alshabaab
Next articleDowlada Soomaaliya oo Soo saartay Go,aan Ka nixiyay Ganacsatada Qaadka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here