Home Wararka Maanta Muxuu yahay sarkaalka reer Uganda ee lagu dilay Soomaaliya ee la dashay...

Muxuu yahay sarkaalka reer Uganda ee lagu dilay Soomaaliya ee la dashay nin xil sare ka haya dalkaas

0

Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya ayaa geeriyooday lix askari oo kalena waa lagu dhaawacay kadib markii kolonyo ciidan oo ay la socdeen ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda lagu aasay.

Ninkan la dilay ayaa ahaa kabtan katirsan ciidamada Difaaca Dadka Uganda ee UPDF, waxaana lagu magacaabaa Patrick Opio Away.

Qaraxa lagu dilay sarkaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Ceel-waarigoow, oo qiyaastii 70km jiahda Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqidsho, sida uu sheegay Ibraahim Kasule Sekitto oo ah afhayeenka ciidamada Uganda oo la hadlay oo wakaalada wararka ee Reutors.

Waxaa weererkan lagu eedeeyey Kooxda Al-shabaab in ay ka dambeeyeen.

Kabtan Away, ayaa ahaa taliyaha kolonyada ciidanka lala eegtay weerarka miino kuwaas oo xilligii ay la kulmayeen miinadaku sii jeeday deegaanka Ceeljaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaana ay markii hore ka ambabaxeen Muqdisho, sida uu Sekitto u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Weerarkan nama joojin doono, taa beddelkeeda wuxuu adkeyn doonaa go’aankeenna ah inaan sii wadno taageeridda dadaallada nabadeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Sekitto.

Major Patrick Opio Away, ayey walaalo yihiin mid ka mida madaxda siyaasadda ee dalka Uganda kaas oo awood sare ku leh xisbiga tallada haye ee Uganda

Away, ayey walalo yihiin Richard Todwong, oo ah xoghayaha guud ee xisbul xaakimka haya talada dalka Uganda ee lagu magacaabo National Resistance Movement (NRM), sidoo kalana waa xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dalkaas.

Richard Todwong, ayaa bartiisa X ee hore loo oran jiray Twiter soo dhigay qoraal uu ku muujiyey sida uu uga naxay geerida walaalkiisa Major Patrick Opio Away.

“Waxaan u dabaaldegaa walaalkay, Kabtan Opio Patrick Away. U huristaada ilaalinta dalkayaga waxa ay ahayd xeerkaagii oo waxa aad u wajahday waajibaadkiina si xamaasad leh.

Waxa kale oo uu xusay Todwong in walaalkiis uu ka soo qayb galay dagaalo fara badan oo ka dhacay dalalka Afrikada Dhexe, Bariga DRC Congo iyo Soomaaliya, isaga oo hawlgallo u aaday wadamadas oo dhan.

Waxa uu ku tilmaamay dhamaan hawgaladii uu ka qayb galay walaalkiisa kuwa “geesinimo lahaa”.

“Noloshaadu waxay si naxdin leh u soo gaabatay saaka – 7/7/2024 – markii aad u adeegaysay qaaraddeena Afrika. Dhaxalkaagu ha waaro si aad u dhiiri geliso geesiyaal badan. Waligaa waxaan kugu hayn doonaa qalbiyadayada, Patrick. Waxaad ahayd wadani dhab ah” ayuu intaasi raaciyey.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa 5,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Uganda waa dalkii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo ka tirsan AMISOM soo geliya Soomaaliya bishii March 2007-dii.

Bishii Juun 2023, Al Shabaab ayaa 54 askari oo Ugandan ah ku dilay Saldhigga ay ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howgalka ATMIS, oo hadda sii gunaanadmaya gudaha Soomaaliya ayaa Bishii Juun, 2024-kii, waxay saladhigii ay ku lahaayeen degamada Bariire ee gobolka Shabellaha hoose ku wareejiyeen ciidamada Soomaaliya, taasoo ka dhigan wajigii saddexaad ee dhimista Ciidamada.

Aagga ayaa hoos imaanayey Ciidamada ATMIS ee ka socday dalka Uganda tan iyo 2019-kii, xilligaas oo laga xoreeyay ururka al-Shabaab.

Ad
Previous articleMadaxweynaha malaayiinta doolar ka sameeyay tahriibayaashii Soomaalidu ku jirtay ee Dalkiisa Sii Maray
Next articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Alshabaab