Home Wararka Maanta Muxuu yahay kiniinka laga isticmaalo Soomaaliya ee digniinta laga soo saaray ee...

Muxuu yahay kiniinka laga isticmaalo Soomaaliya ee digniinta laga soo saaray ee Dhimashada Badan Sababay?

0

Dawada Pregabalin ayaa lala xiriiriyay tiro dhimasho ah oo adduunka oo dhan ah, laakiin isticmaalayaal badan ayaa ka gata dawadan suuqa madow.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka laga isticmalo kiniinkan balse waxaa jira khataro badan oo caafimaad oo laga digay inuu leeyahay kiniinkan oo marna dawo loo isticmaalo marna loo adeegsado maandooriye ahaan, sida uu BBC-d u sheegay Dr. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cismaan (Shihaab) oo ka ku takhakhusay cudurrada guud kana howlgala isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho

Waa maxay pregabalin, maxaase loo isticmaalaa?

Pregabalin waxaa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuunno ay ka mid yihiin qallalka, suuxdinta, maskaxda, neerfaha iyo yaraynta walaaca si la mid ah dajinta dareemada jirka.

Dhaqaatirta ayaa u qora bukaanada dawadan marka ay ka helaan cuduradan,balse bukaanada qaar ayaa mararka qaar isticmaala xad ka badan kii loo qoray taas ayaana sababta khataro caafimaad oo adag.

“Dawadan marka la isticmaalo waxay leedahay saamayn hurdo badan, xanuun baabi’iye ama welwelka oo kaa yaraada, marka qofku si uun ha ku helo ama dhaqtar ha u soo qoree, qofka wuxuu u isticmaala in ka badan, aniga waxaaa isoo maray qof igu dhahay waxaa isticmaalay toddobo xabo, marka sidaas hadday dhacdo waxaa imaanaysa inuu qofku joogtooyo, ka dibna uu qabatim,” ayuu Dr. Shihaab.

Sidee dawadan looga isticmaalaa Soomaaliya?

Sida uu BBC-da u shegay Dr. Shihaab, dawada Pregabalin waa mid laga helo goobaha isbitaallada iyo xarumaha lagu iibiyo dawooyinka ee Muqdisho.

‘‘Haa, waa laga helaa Soomaaliya waana lagu iibiyaa farmashiyaasha iyo goobaha kale ee dawada,laakin waxay u baahan tahay in si la mida wadamada kale si gaara loogu hayo isha” ayuu intaas ku daray dhakhtar Shihaab.

Wuxuu intaa ku daray in marka la eego caalamka dawadan kaliya lagu bixiyo warqad dhaqtar si looga taxadaro waxyeellada ay sababi karto iyadoo ah dawo loo adeegsado in cuduro lagu daweeyo.

‘‘Sida loo adkeeyey dawadan xitaa dhakhaatiirta oo dhan ma wada qoran kaliya waxaa qora dhakhtarka neerfaha, goobaha caafimaadkuna ma bixiyaan ilaa qoraalka dhakhtar noocaas oo kale inuu qofku sido oo u soo qoray mahaa, taas macnaheedu waa sida looga taxadarayo,” ayuu yiri Dr. Shahaab.

Imisa dhimasho ayaa lala xiriiriyay pregabalin?

Pregabalin waxaa lagu soo bandhigay Maraykanka iyo Ingiriiska sanadkii 1993kii.

Daraasad lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee Nature Communications ayaa ku qiyaastay in tirada qiyaasta pregabalin iyo daawada gabapentin ee la midka ah ee maalin kasta laga qaato adduunka ay kordheen in ka badan afar laab intii u dhaxaysay 2008 iyo 2018.

In ka badan siddeed milyan oo dawooyin ah oo loogu talagalay pregabalin ayaa laga buuxiyay England 2022. Sannadkaas, 441 dhimasho oo lala xiriiriyay daroogada ayaa laga soo sheegay England iyo Wales.

Sanadkii 2023-kii, warbixinta dhimashada xad dhaafka ah ee sanadlaha ah ee Australia ayaa lagu sheegay in ay tahay 887 dhimasho ah oo lala xiriiriyay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleP.M Xamza oo si cajiib ah ugu jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’
Next articleQoyska gabar ninkeedii ku gubay aashito oo ka cabanaya cadaalad daro