Home Wararka Maanta Muxuu yahay Heshiiska Gudoomiye Aadan Madoobe lasoo galay Mareykanka(Sawiro)

Muxuu yahay Heshiiska Gudoomiye Aadan Madoobe lasoo galay Mareykanka(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Washington kula kulmay Guddiga Arrimaha Dibada Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo Mareykanka, isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay shaqooyinka baarlamaanka, shuruucda uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad, hanaanka deyn cafinta iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay in la fududeeyo isu socodka labada dal iyo in la abuuro xiriir ganacsi oo labada dal dhexmara.

Guddiga Arrimaha dibadda Golaha Wakiilada dalka Mareykanka ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ku boggaadiyay dadaalada horumarineed iyo shaqooyinka hortabinta u leh hannaanka geedi socodka dowladnimadda dalka ee ay wadaan.

Guddiga ayaa balan-qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu Mareykanka la sameyn doono bog cusub oo iskaashi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Golaha Wakiilada iyo guud ahaan dowlada Mareykanka taageerada joogtada ah ay siiyaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu Guddoomiyaha ugu jiro soo celinta iyo hagaajinta xiriirka wadashaqeyn uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaanada Aduunka.

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleDeni oo Maalmo uu Aamusnaa Kadib ka Hadlay Aqoonsiga SSC Khaatumo
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Charles Michel oo kawada Hadlay Dagaalka lagusoo Afjaraayo Alshabaab(Sawiro)