Home Wararka Maanta Muxuu Yahay Dhaawac weyn ee Soo gaaray hanka soo laabasho ee Farmaajo?

Muxuu Yahay Dhaawac weyn ee Soo gaaray hanka soo laabasho ee Farmaajo?

0

Tan iyo markii uu soo baxay wareysiga La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, kaas oo soo jeediyay tallada dalka loo galiyo kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhalatay dood xooggan.

Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal kasoo saaray hadalka Cabdisaciid oo xukunkii Farmaajo si weyn ugu dhawaa madaxweynaha ayaa sheegay inay tani dhaawac weyn ku tahay hanka dib u doorasho ee Farmaajo.

Cali Yare ayaa sheegay in Farmaajo uu ninkaan ka dhigtay gacantiisa koowaad, balse uu god ku hubsaday maanta hoggaamiyaha N&N oo uu sheegay inuu u afduuban yahay cid gaar ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare

Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu Cabdi Saciid ka dhigtay gacantiisa koowaad waxeeyna isla gaareen heer uu udhiibto saddexda kursi ee loo yaqaanno “aaminaadda ugu sarreeysa ee madaxweynaha”.

• Agaasimaha madaxtooyada

• La-taliyaha amniga qaranka

• Wasiirka arrimaha dibadda

Hadana waa qofka gacantiisa koowaad ah aniga ogaalkeey.

Cabdi-Saciid wuxuu maanta banaanka la yimid taageeradiisa lixaadda leh, aan qarsooneeyn, uun ku faanayo taageeradiisa kooxda soomaalida iyo duniduba argagixisada u taqaanno ee dadkeennii xasuuqday.

Laga soo billaabo Juun 2006 markii kooxda Al-Shabaab la aas-aasay xisbiga Nabad iyo Nolol garabka Daacishteenna ayaa noqonayo garabka kali ah ee siyaasadeed, ee soomaali ah, oo ummada Soomaaliyeed horteeda ku sheegta, una bareera, taageeradooda kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab.

Nabad iyo Nolol garabka Asal ah iyo abuurkii xisbiga ah wuxuu hadalka kooxda garabka Daacish u arkaa mid ka turjumaya cadownimo guun ah ee uurkooda ku daxaleeysatay kaas oo ahaa midkii aan uga digeeynay inaanu ku qatalmin hoggaamiyaha xisbiga ee hadda afduuban.

Cabdi-Saciid wuxuu maanta Farmaajo ka saaray siyaasaddii dalka iyo hankiisii soo laabashada talada dalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXasan shiikh oo Hanjabaad Culus u diray Dadka Qaraabada La Ah…..
Next articleIsku dhex yaac iyo jahawareer ka taagan galbeedka Qasa oo taangiyada Israa’iil isaga baxeen