Home Wararka Maanta Muxuu Xasan shiikh ka Yiri aqoonsiga Soomaaliland Xili uu Baaq udiray Trump?

Muxuu Xasan shiikh ka Yiri aqoonsiga Soomaaliland Xili uu Baaq udiray Trump?

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay tuhunka laga qabo qorshe la sheegay in koox ku dhow madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump inay ku doonayaan in lagu aqoonsado Somaliland.

Madaxweyne oo wareysi siiyay wargeyska weyn ee Mareykanka ee Washington Post ayaa sidoo kale tilmaam ka bixiyay madaxweyne Trump, iyo sida dowladda Soomaaliya lagama maarmaan ugu tahay taageerada Mareykanka.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa yimid xilli xubno awood iyo saameyn weyn ku leh Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ay riixayaan qorshe lagu doonayo in Mareykanku ku aqoonsado Somaliland. Waxaa xubnahaas ka mid ah Congress Scott Perry oo dhammaadka sanadkii hore soo bandhigay hindise sharciyeedka aqoonsiga rasmiga ah ee ay tahay in Mareykanku u fidiyo Somaliland.

Arrinka ayaa dabasocda qorshe la daabacay bishii ABriil ee 2023kii kaas oo sawir ka bixinayay qorshaha madaxweyne Trump ee dib doorashadiisa kadib. Qoraalkaas waxaa diyaariyay hay’adda caanka ah ee Heritage iyo in ka badan 100 ururo oo la la xiriiriyo Xisbiga Jamhuuriga.

Dukumeentigu waxa uu ka hadlayaa laba dhul oo Afrikaan ah oo keliya qaybtiisa Saxaraha ka hooseeya – Somaliland iyo Jabuuti – waxana uu soo jeedinayaa “in aqoonsiga Qaranimada Somaliland uu yahay dayr u yahay kaalinta Mareykanka ee Jabuuti ee sii xumaaneysa”.

Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqda ah in Afrikada Saxaraha ka hooseeya looga hadlay wax ka yar laba bog oo qorshe-dhigaalka ka kooban wax ka badan 900 oo bog ayaa soo jeedinaysa in qaaradu halka ugu hooseyso uga jirto mudnaanta Trump.

Sidoo kale, ma jirto dammaanad qaad ah in maamulka imaan doona uu raaci doono qorshaha, kuwaas oo qaarkood uu Trump horay u diiday. Laakiin madaxweyne Xasan ayaa wareysiga uu siiyay Washington Post ku sheegay in qorshahan lagu doonayo aqoonsiga Somaliland inay ka dambeeyaan dad ku dhow Trump, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeeda arrinkaas. Waxa uu ku celiyay oraahda ah in Soomaaliya ay tahay mid qur ah.

Waxa uu intaa ku daray in wax ka bedelka xuduudaha Afrika ay noqoneyso masiibo weyn oo dunida kusoo kororta, isaga oo intaas raaciyay in doorashooyinka ka dhaca Somaliland aysan ahayn sabab horseedi karta kala go’.

Si kasta ba, waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh xusay in aysan malayn karo waxa ay ka fishaan hoggaanka cusub ee Mareykanka, laakiin waxa uu sheegay in uusan rajeyn wax xun oo uga yimaada dhanka Mareykanka oo u uku tilmaamay inay muddo dheer ba ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo wax laga weydiiyay dagaalkii uu horey wacadka ugu maray in uu uga adkaanayo Soomaaliya iyo waxa ku dhacay ayaa sheegay inay guulo weyn ka gaareen ururkaas, islamarkaasna ka xorreeyeen kumanaan kiilomitir oo dhul ah oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen, iyo in awoodda dhaqaale iyo ciidan labada ee kooxdaas in hoos loo dhigay.

Laakiin waxa uu intaa raaciyay in awoodda dowladda ay kooban tahay, isaga oo xusay in labo sano oo dagaal ah kadib in uu jiro xoogaa daal ah. “Hadda dib ayaan u habeyneynaa ciidamadayada, waxaana socda olole cusub hadda oo aan kula hadlayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanku markhaati ka yahay guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

“Way nala joogeen. Waa lammaaneheena. Maraykanku waxa uu naga taageeraa dhinaca xog ururinta, taageerada saadka, taageerada hawada, ilaalinta iyo mararka qaarkood ka hor-tagga weerarrada qaar ee Al-Shabaab ay ku qaadaan ciidamadeena,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Laakiin waxa uu intaas ku daray in aysan jirin askar Mareykan ah oo ka dagaalamaysa dhulka.

Mar la weydiiyay in uu dadka Mareykanka u sharxo sababta ay muhiim u tahay inay dhaqaale ugu bixiyaan dagaalka Shabaab ee ka socda dhul ka fog iyaga, waxa uu madaxweyne Xasan muujiyay xiriirka ka dhexeeya amniga dalalka Mareykanka iyo Yurub iyo dagaalka al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya.

“Sababtoo ah dagaalka aan kula jirno al-Shabaab, argagixisadu ma haystaan fursad ay ku maamulaan shabakadahooda Yurub iyo Ameerika. Hadda ka hor, waxay magaalada London iyo meelo badan oo Yurub ka mid ah ku lahaayeen rag is-qarxiyey. Maraykanka ayaa horey u fashiliyay weeraro ay Al-Shabaab ka soo abaabulayeen gudaha Mareykanka. Markaa Al-Shabaab khatar kuma ah Soomaaliya oo keliya. Taasi waa sababta Maraykanku noo taageerayo.”

Waxa uu baaq u diray madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo uu ka codsaday in uusan la bixin La-taliyayaasha ciidan ee ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay taageeraan tababarka ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Taas bedelkeed, waxa uu codsaday in Mareykanku kordhiyo tirada tababarayaasha ka jooga Soomaaliya si al-Shabaab looga saaro Soomaaliya inta uu Trump xukunka hayo.

Ad
Previous articleMuxuu ahaa howlgalka Cajiibka ah ee Maraykanku ka Fuliyay Buulaburte
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Baarlamaanka kaga hordhawaaqay Go’aan Culus oo la xariira Doorashada Qof iyo Cod