Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Muxuu Salka Ku Haayay Dagaalkii Qaraaraa ee Galabtay Ka Dhacay Barawe

Muxuu Salka Ku Haayay Dagaalkii Qaraaraa ee Galabtay Ka Dhacay Barawe

0

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo geystay khsaare nafeed iyo barakac ay sameysay bulshada ku nool magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka ee jooga Baraawe iyo ciidan ka tirsan daraawiishta K/Galbeed.

Inta la xaqiijiyey saddex askari io dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Dagaalka ayaa ka dhashay Qaad la sheegay in askar ka tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka dhaceen haweenka magaaladaas ku nool ee ka ganacsada Jaadka.

Intaas kadib waxaa soo gurmaday askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo u hiilinaya hablaha qaadka laga dhacay, waxaana bilowday dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawacyo sababay.

Waa markii labaad oo dagaal culus uu Baraawe ku dhexmarayo ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta K/Galbeed, waxayna askartaasi isku yihiin cadow, iyadoo aysan jirin sabab gaar ah oo ay isku colaadiyaan.

Ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa degan xarunta madaxtooyada K/Galbeed ee Baraawe, halka Militeriga dowladda federaalka uu dhowr jiho ka degan yahay magaalada.

Xiisad colaadeed ayaa caawa laga dareemayaa Baraawe, waxaana wali is hor fadhiya ciidamadii dagaalamay, mana jirto cid kala dhex gashay, waxaa xusid mudan in magaaladaas ay joogaan ciidamo ka tirsan ATMIS.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda Magaalada Baraawe
Next articleGabadhan Soomaaliyeed ee caanka ah ee heshay Cabdigii ay ku maansoon jirtay